GOORMAA KUUGU DAMBEYSAY GARXAJIS SIDA SULDAAN CADDE-GUDE U HADLA?

suldaan caddegude

Dhamaan degaamadda Somaliland iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ayaa si weyn loogu diirsaday soo dhoweyn balaaran oo loo sameeyey Gudoomiyaha Guud ee beelweynta Garxajis Suldaan Cadde-gude iyo khudbad qiimo badan oo uu goobta ka jeediyey, taasoo ahayd mid aan ilaa burburkii Soomaaliya Masuul Garxajis ah laga maqal oo meelkasta oo Soomaali joogto tebayeen.

Beesha 30 sano ee ugu dambeysay waxaa siyaasadeeda hagayey xubno ay ka mid yihiin Faysal Cali Waraabe oo labadiisa dhegood loo dhexaynin iyo Cabdiraxmaan Cirro oo ah niiqle akhriya fariimo uu u soo dhiibo Gudoomiyaha Waddani Xirsi.

Waxaa muuqata fursad uu caqligii iyo dadkii Somaliland ka talin jiray ku soo noqonayaa, maanta 1994 maaha, 11 Augost 2022 ee carruurta la xasuuqayeyna maaha, talladdii Muuse Biixi-na qurmuunkeeda xaafad kasta ayey ka soo ureysaa, 1960 inaadeerkii baa Somaliland la cararay maantana isaga burburiyey oo weliba nacayb waara ka tegaya, sidaasdarteed kacdoonka GARXAJIS oo CIRRO IYO FAYSAL ka madaxbanaani waa rajadda keliya ee degaamadaas inta isku harta lagu badbaadin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here