GUDIGGA 33 SSC OO SOO DHOWEEYEY ERGAYGA WADAHADALADDA SOMALIYA IYO SOMALILAND

caaqil cabdirisaaq falaalug

Laascaanood, Sool, Soomaaliya — Guddida 33-da | War Saxaafadeed G/WS6/020423.

Aragtida rasmiga ah ee ay SSC-Khaatumo ka qabto magacaabista Ergeyga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

SSC-Khaatumo waxa ay soo dhoweynaysaa Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo uu Ergeyga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, nasiib wacan ayaan ugu rejaynaynaa mas’uuliyaddaas loo igmaday.

Sidaa oo kale, waxaan uga mahadcelinaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud dedaallada uu ku bixinayo sidii xal loogu heli lahaa Arrimaha Somaliland.

Hase ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in aanu caddayno in SSC-Khaatumo aysan ka mid ahayn, kana mid noqon doonin Somaliland. Waxaan ka mid nahay Soomaaliya, waxaanna aaminsan nahay sugnaanshaha xuduudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in ay yihiin lama-taabtaan.

Saxiixa,

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug)

Afhayeenka Guddida 33-da

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here