GUDOOMIYIHII URURKA WAABERI OO SIYAASADII SOMALILAND KA BAXAY

Abdirisaaq Ataash

Gudoomiyihii Urur siyaasadeedka Waaberi Cabdirisaaq Ataash ayaa sheegay in u gebi ahaanba ka baxay siyaasadda Somaliland, waxaanu sheegay in dib ugu laaban doono Ganacsiga iyo hawlihiisa kale ee u gaar ka ah.

Cabdirisaaq Ataash ayaa ka soo jeeda Gobolka Sool waxaanu dhawaan kaga dhawaaqay Somaliland Urur siyaasadeedka kaasi oo si wayn loo saadaalinayey in Xisbi noqon doono.

Is casilaadiisa ayaa ku soo beegmaysay iyadoo u todobaadadii la soo dhaafay Laascaanood u ka socdo dagaal khasaare badan dhaliyey kaasi oo u dhexeeya ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here