HADALKII GUDIGA AAYO KATASHIGA SSC JAMAAHIIRTA KACDOONKA WUXUU KU YAHAY DHABARJEBIN

madax dhaqan iyo garad2

Waxaa nasiibdarro ah in warsaxaafadeedkii maanta ka soo yeeray Gudiga Aayo katashiga SSC ee Laascaanood uu ahaa rabitaankii GACANKUDHIIGLE Muuse Biixi, waana dhabarjebin ku dhacday Jamaahiirtii kacdoonka iyo Guud ahaan shacabka SSC.

Waxay dabooleen dhamaan dunuubtii, xasuuqii iyo tacadiyadii Muuse Biixi.

1. Waxay yiraahdeen shacabkii qaxay guryahoodii ha ku soo noqdeen, may sheegin sababtii dadku u qaxay, tiradooda, wuxuu ka qaxay, cida qaxisay iyo wixii ay ka qaxeen waxay ka qabteen. Shacab waxaa qaxiyey Maleeshiyadda SNM ee uu hogaamiyo GACANKUDHIIGLE Muuse Biixi, ilaa 200 000 qof baa la barakiciyey, waxay ka carareen xasuuqii, xabaddii, cabsi gelintii Magaalada waan duminaynaa, afduubkii caruurtooda ee jeelasha mandheera iyo xeryaha gaarka ah lagu ciqaabayey iyo tacadiyadii joogta ahaa ee Jamhadda SNM ku hayeen. Waxay u baahan yihiin in Maleeshiyaddii SNM degaamadooda laaga saaro si ay guryahooda ugu soo noqdaan. Loogama saarin weli magaaladoodii bay ka haystaan, horgaladii 15 sano lagu dhibayey ee xasuuqayey bay Ciidan dhulbahante uga dhigeen, si caalamka uga dhigaan In Dhulbahante isdilayo.

2. Labaddii halgamaa ee shalay la dhaawacay waxay ka dhigteen in Ciidan dhulbahante ahi dhaawacay, waa been, dhamaan maleeshiyadda SNM mushaharka ka qaadataa waa isku mid, waana cadowga shacabka SSC, masuuliyadeeda waxaa leh Muuse Biixi, haday Isaaq noqotay, Samaroon, Ciise, Warsangeli iyo Dhulbahante, waxaad Hirgeliseen hadalkii Horgal Mahad Canbaashe loo soo dhiibay ee dhulbahante ayaa isdilaya. Mida kale ma ahayn inay simaan labadii Halgame ee Jihaadka ku dhaawacmay iyo horgall dhuuniqaate ah.

3. Kacdoonka Joojiya waa khaayinimo, ilaa Maleeshiyadda SNM la saaro halganku maalin walba waa inuu socda, Kacdoonka iyo halganka dhalinyarada iyo dumarka ayaa leh ma joogsanayo ilaa ay guuleystaan.

GUDIGA AAYO KATASHIGA waxaa ku waajiba inay hadalkii maanta ka soo yeeray ee SNM iyo Muuse Biixi u adeegayey ay berri dib u saxaan.

1. Waa inay cadeeyaan labadii qof ee Mudaharaadka salmiga sameynayey ciddii dhaawacday, haday SNM yihiin waa in lagu cambaareyaa, haday dhulbahante yihiin cidii geysatay waa in la soo qabtaa.

2. Waxaa in ay dib ugu noqdaan siday uga hadleen dadka guryahooda iyo degaamadooda SNM ka barakicisay, markay sheegaan qiyaasta tiradooda, cambaareeyaan Gacankudhiigle Muuse iyo Maleeshiyadiisa oo cabsi geliyey guryahoodii iyo degaamadooda uga qaxeen, xaaladda ay ku sugan yihiin, waa in beesha caalamka iyo cidii daneynaysa gargaar haloo weydiiyo, ugu dambeyn waa in caalamka laga codsadaa in dadkaas Maleeshiyadda SNM laga dulqaado si ay guryahoodii ugu soo laabtaan. MA SHAQEYNAYSO SIDII AAN DEMBI DHICIN IN SI SAHALA LOO YIRAAHDO GURYIHIINII KU SOO NOQDA.

HOGAANKA CUSUB EE SSC WAXAA KU WAAJIBA INAY QORAALO KA SOO SAARAAN HALGAMAYAASHA SHALAY LA DHAAWACAY IYO DADKA MUUSE BIIXI BARAKICIYEY OO CAALAMKA U BANDHIGAAN.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here