HADDUU AAMUSO IYO HADDUU HADLO CIRRO WAA CIRRO WAXBA KORDHIN MAAYO

cirro iyo xirsi

Jamaahiirta iyo Ciidamadda SSC, hadalkii Musharaxa Garxajis Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro wuxuu gundhigiisu ahaa inuu muujiso sida uu ugu faraxsan yahay duqaynta, burburinta iyo barokicinta Maleeshiyadda Somaliland ay Magaaladda Laascaanood ka geysteen, maaha wax cusub, Cabdiraxmaan Cirro waa ka xumaan iyo cadaawad badan yahay Muuse Biixi, waxaana markhaati idiinku filan saaxiibkiisa kowaad waa ninkii geystay Xasuuqii Kalshaale Xirsi Cali Xaaji Xasan, xiligaas wuxuu ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa muhiim ah in Jamaahiirtu ogaato in haddii hadalka Cabdiraxmaan Cirro uu qiimo leeyahay ama isaga dadnimo ku jirto wuxuu wax tari lahaa dhalinyaraddii u banaanbaxaysay ee la xasuuqay 11 Augost 2022, gabdhihii qaarka suuqa Naasaha lagaga garaacay, qaarna xeryaha lala tegay, waxaa shaqsi loo sameystay in lagu horjoogsado siyaasihiinta beelweynta Garxajis ee waxgaradka ah, maalin walba waxaa loo soo dhiibaa qorsheyaal Beeshiisa lagu waxyeelaynayo, qiimaha wuxuu u dhigmaa Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Mahad Canbaashe, wixii uu shalay ku hadlayna waxaa u soo qoray Gudoomiye Xirsi.

Waxaa ilaahay Mahadiis ah in Jamhuuriyaddii Barakeysnayd ee Somaliland ee Lafaha iyo xasuuqa ku qudhaaban jirtay ay Jamaahiirta SSC Qaawiyeen oo aan lafo dambe oo lodii abaartii Dabadheer baxday iyo dadkii xeryaha qaxootiga ku jiray ee SNM xasuuqday aan caalamka lala tegi doonin, halka Cabdiraxmaan Cirro uu isagu dabadiisa qaawiyey.

HADAY SEEXATO OO SOO TOOSTO XAAWO WAA XAAWO, HADDUU HADLO AMA AAMUSO CIRRO WAA CIRRO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here