HAMBALYO DARAAWIISHTA QARANKII SOMALILAND WAXAAD GAARSIISEEN YAA IRIR SAMAALLE AH

daahir calasow irir samaale

Waxaa umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto Jamaahiirta SSC ugu hambalyeynaysaa in Qarankii Somaliland iyo Ictiraafkii raadintii 33 sano ay maanta ku soo celiyeen tolayeey yaa IRIR SAMAALE ah noo soo gurmadaay, waxaad meesha ka saarteen Somaliya iyo Somaliland hawada-hadleen, waxaad muujiseen goista iyo Ictiraafka Somaliland inuu idiinka ku xiran yahay, waxaad dadka Soomaaliyeed tusteen xigmad la,aanta iyo tallo xumadda Hargeysa taal.

Waxaa nasiibdarro ah in magaaladda Hargeysa laga taagay boodhadh waaweyn oo soo dhoweynta DAAHIR CALASOW ku sawiran yahay oo ay ku qorantay IRIR SAMAALE, arintani waxaa tusaalle muujinaya caqliga Muuse Biixi iyo kuwo la taliya, haddii aan akhrino siday u fekeraan waxay boodhkaas ula jeedaan, haddii SSC iyo Garxajis na diidaan anaguna Somaliland baanu Soomaaliya la aadeynaa.

Arintani waxay ka markhaati kacaysaa in Horjoogaha Hargeysa Muuse Biixi Cabdi aanu garasho fiicnay, oo uu fulay yahay, xumaanta iyo xasuuqan iyo kii 1994 waxaa ku kalifay fulanimadiisa ayuu ku qarinayey Beesha Isaaq oo wuxuu raadinayaa GEESINIMO AANU U DHALAN, ciidamadda wuxuu ula bixi layahay baqdin, Talo xumaddiisa ninka halkuu iska dabaqaban lahaa Daahir Calasow soo dhoweynaya oo Irir uga dhowaanaya, waxay Soomaali u muujiyeen jilaycooda, ma oga inaan maanta haddii Muuse Biixi uu Xamar tago aanu qiimo lahayn oo uu yahay nin gacan ku dhiigle ah oo Daraawiishtu dharkii kala baxday.

Waxaa haboon inaad Garxajis u yeertaan oo codsataan sida wax loo maareeyo, oo u qirataan in Qarankiina laydiinka dhacay, lafihii Islaanta Adna la wareegi jirtayna kuwo cusub qoyan laga dabakeenay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here