HAMBALYO IYO TALLOOYIN KU SOCOTA GARAAD CABDILAAHI GARAAD SALEEBAAN

garaad cabdilaahi garaad saleebaan2

Waxaan hambalyo, bogaadin iyo duco mudan Garaad Cabdilaahi Garaad Saleebaan oo noqday Garaadka Guud ee Beesha Maxamuud Barri, ilaahay Garaadka Xilkiisa haku Asturo, AAMIIN.

Ilaahay ka sekow waxaa mahadnaq mudan, shacabka, Cuqaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxamuud Barri oo si dhakhso ah u shaaciyey, xaqlihii ku haboona sidii dhaqanka ahaana maray, si looga hortago firaaq masuuliyada oo ay fitnada iyo fitna-wadeyaashu ka faaiideysaan.

Garaadka oo 3 bilood kadib lagu caano-shubayo, ayaa waxaa jira talooyin ama qodobo loo baahan yahay in Garaadku Maskaxda ku hayo ama ka digtoonaado maadaama khasaarahoodii la soo arkay.

1.Garaad, waa inaad xusuusnaataa in masuuliyada Ilaahay dusha ka saaray, intaas ka dib in shacabka Maxamuud Barri ay qarniyo ka hor Awooweyaashii ku aamineen, adiguna aad tahay sidii caadada ahayd ninkii xaqa u lahaa ee dhaxlay, cid abaal kuugu sheegan kartaa oo waan kuugu hiilinay ku oran kartaa ma jirto, qofkii iskaa garab istaagay xaquu u hiiliyey, waajibka ku saarani waa inaad danta shacabka ku ilaalisid oo ka fogaatid siyaasi ama qof muraad leh oo cid kale u adeegaya.

2. Garaad, Nina Gunnimo ha kula tartamin, tusaale Isim Dadkiisii taladii iyo tusmadii kala tegay oo Reer ama Maamul kale ka dul lafa-lafeysanaya haku dayan oo tusaale haka dhigan.

3. Weligaa Garoowe ha tegin, Waayo? Puntland sameynteedii iyo isku heynteedii Aabaha Garaad Saleebaan Garaad Maxamed cidi ugama tacab iyo talo badnayn, isagiina wuxuu ka dhaxlay dhulkiisii oo la hoodadeeyo oo la bixiyo, abaal-dhac iyo eed joogto ah, Puntland maaha meel danta Soomaaliyeed iyo danta Reer SSC taallo, waxay noqotay meel hal reer ku muraadsado, dadka kalena ku dhibaateeyo, waana lagu khasaaray ka mid noqoshadeedii, khaladkaas in dib loo saxo ka mid noqo.

4. Hargeysa Reer Khaatumo heshiis lama gelin, shirkii Awrboogeys iyo Maamulkii Khaatumo ee Cali Khaliif meeshii ay mariyeen waad la socotay, haddana diyaar uma aha, dhulkaagiina xoog bay ku haystaan, ka dheerow shilinkooda, la macaabilkooda iyo ku hoos noolaanshahooda, haddii ay horey wax kaaga soo gaareen, wixii calooshaada galay ka istaaqfuraleyso, wixii noolla Masaakiinta iyo masaajida gee.

5. Taladooda ha maqlin kuwa Maxamuud Barri ee GARAAD JAAMAC GARAAD CALI OO AAD ISKU DAN IYO DAL TIHIIN CADOWGA U YAQAAN, ISLAMARKAANA KU FARAXSAN INAY ISLAAN REER KALE KU HOOS FADHIISIYAAN, kuwani dadka loo isticmaalo burburinta iyo kala qaybinta shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn, waana ka qayb sababaha maamuladdii kala dambeeyey ee degaamadaas loo sameeyey u hanaqaadi waayeen, ogow wax dhulbahantenimo ka hoosaa waxba goyn maayaan, wadashaqeynta iyo isku-xirnaanshaha ADIGA IYO GARAAD JAAMAC GARAAD CALI IYO ISIMADDA KALE EE XORTA AHI WAA SIDA GUUSHA LAGU GAARI KARO.

6. Marka Caano-shubka ama Caleemasaarku dhaco socdaal ku mar degaamadda SSC ee xorta ah ilaa Itoobiya si aad u dareentid una aragtid dadka aad Isimka u noqotay ee shisheeyuhu wax kala fog oo isu cola isaga dhigay.

7. Hormuud ka noqo in dib loo soo nooleeyo Maamulkii Khaatumo, Isimadda wixii Reer kale duljoogiisa ka maarmayaa, deg deg hogaan ku meelgaar ah howgu magacaabeen, maamuladda dhinacyadda kama tirsanin baa ku filan.

8. Saldanadda ka ilaali kuwo qaraabadda ah, ee caadeystay inay Magaca iyo sharafta Saldannada Maamuladda kaga ugaarsadaan.

9. GEBAGEBADDII ILAAHAY KU XIDHNOW OO SOO CELI SHARAFTA IYO KARAAMADII DADKAAGA, DUURKANA U GAL, DHIBTANA UGU ADKEYSO.

10. QURBA-JOOGTA WAXAA KU WAAJIBA INAY GARAADKA KA TAAGEERAAN WIXII DHAQAALE EE UU U ADEEGSANAYO HALGANKA IYO HAWSHA BALAADHAN EE UU DHAXLAY.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here