HARGEYSA GURYIHII MASUULIYIINTA DHULBAHANTE OO WEERAR LAGU QAADAY

cali baashe post

Magaaladda Hargeysa waxaa ka bilowday beegsiga Guryaha Masuuliyiinta ka soo jeeda Gobalada SSC ee aan weli Somaliland qaxin.

Waxaa xalay markii labaad la weeraray guriga uu degan yahay Xildhibaan Axmed Xasan Saalax oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, weerarkaas cidi waxba kuma noqon, wuxuuna ahaa mid loo diyaargaroobay loo la sugayey, kadib markii maalin hore ay guriga Xildhibaanka soo weerareen niman la sheegay inay doonayeen inay dilaan Dareewalka Xildhibaan, oo sida hadda naloo xaqiijiyey Magaaladda Hargeysa laga qaxiyey oo Buuhoodle la gaarsiiyey.

Sidoo kale maalmihii Bisha Ramadaan ugu dambeeyey waxaa maleeshiyadda wiilka Muuse Biixi ka amar qaadataa weerareen guri uu degan yahay wiil uu dhalay gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Cadde, oo lagu magacaabo Cali, iyadoo ay sheegeen inuu share gareeyo ama Like saaro qoraaladda ku saabsan xadgudubyadda ay ciidamada Somaliland ka geysteen Gobolka Sool, sidoo kale uu saartay Sawirka Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif

Fadeexadan oo imin soo ifbaxday ayaa si Ina Muuse Biixi eeda iyo ceebta looga duwo waxaa loo xiray labo dumar ah oo la sheegay in Caruurtoodii iyo raggoodii ay dileen Ciidamadda xaq-u-dirirka SSC, waardiyihii Guriga Cali Baashe wuxuu cadeeyey inay guriga u soo dhaceen 2 nin oo wejigu u dooban yahay oo 2 bastooladood ku hubaysan, markii ay wiilkii waayeen raadiyey Kaambiyuutaradiisii.

DAAWO SAWIRADDA LOO DILI RABAY CALI BAASHE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here