HESHIISKII XAMAAS IYO ISRAA’IIL OO DHAQAN GALAY

xamaas

Waxaa goor dhow dhaqan galay heshiiska u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, wuxuuna socon doonaa muddo afar maalmood ah.

Hadii xabad joojinta lagu guuleysto, heshiiskan ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee laga gaaro kadib muddo 7 isbuuc ah oo uu dagaalku socday.

Xabad joojinta ku meel gaarka ah ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah soo sii deynta 50 qof oo kamid ah 240 qof oo ay Xamaas ka qafaalatay Israa’iil 7-dii bishii Oktoobar.

50-ka qof ee ay Xamaas soo siideyneyso ayaa waxay isugu jiraan haween iyo carruur. 13-ka ugu horreeya ayaa maanta la soo deyn doonaa.

Israa’iil dhankeeda, waxay soo siideyn doontaa 150 qof oo iyaguna isugu jira haween iyo carruur oo ay xabsi ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here