IMAARAADKA OO XAQIIJISAY SARAAKIISHII LAGAGA DILAY XERADA GEN. GOORDAN

uae flag

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiysay in saddex sarkaal looga dilay weerarkii uu askari tababar ku jiray ka fuliyey xerada Jeneral Goordon ee magaalada Muqdisho, habenekii Sabtida.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sarkaal afraad oo u dhashay dalka Baxreyn uu ka mid yahay xubnaha la dilay, ayada oo sidoo kalena laba kale ay dhaawacmeen.

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ku dhowaaqaysaa inay shahiideen 3 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Baxreyn, iyo dhaawaca 2 kale oo ka dhashay fal argagixiso oo ka dhacay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxay ku guda jireen gudashada waajibaadkooda shaqo ee tababarrida iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee qaab-dhismeedka iskaashiga milateri ee labada dal.”

Wasaaradda gaasshaandhigga ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto baaritaanka ficilkan aadka u xun.

Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka, waxaana la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog kahor loo soo diray weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here