ISIMADDA IYO GUDIGA SSC HABOW IYO HAFAD BAA KA MUUQDA EE HALGANKII HALA BILAABO

aayo katalinta ssc

Isimadda iyo Gudiga Aayo ka talinta SSC waxaa ka muuqda inay ka habaayaan hadafkoodii koowaad ee ahaa in dalka laga saaro Maleeshiyadda Jamhadda SNM ee Goojacade ku urursan, sidoo kale waxay ku hafanayaan Siyaasadaha iyo Xiriirada Beesha Caalamka iyo Saxaafadda.

Waxaan loo baahan yahay in Isimadda la xusuusiyo xaqiiqda dhabta ah oo ah inaad tihiin dad masuuliyadoodii 15 sano dayacay, maantana dhiiggii caruurta iyo dumarka ku yimid oo fursad la siiyey, laydiinkama dulqaadanayo dhaqankii hore iyo leexleexii, 200 000 oo qoys ka badan baa banaanadda jiifa oo idin sugaya, maalin walba qiimo ayey ku joogtaa, idiinkama muuqata marugadda dhibta haysa iyo degdega loo baahan yahay, waxaad ku mashquusheen saxaafadda, social media iyo Beesha Caalamka, taasoo keeni doonta khaladaad badan oo siyaasad aan waqtigeedii joogin, deg deg iyo halgankii oo dhicisooba.

Waxaad ogaataan inaan laydiinku qiimeyn doonin sidaad saxaafadda u kala badsataan, ee waxqabadkiina, Siyaasad Wanaagiina, samirka iyo adeega aad bulshadda u qabateen baa laydiinku qiimeyn doono. Shacabka SSC ma ilaawi doonaan GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL adeega uu Bulshadiisa u qabtay, siyaasadii uu somaliland ku indho sarcaadiyey, garaaddii iyo Ciidamadii uu Magaaladda soo geliyey oo isagu masuulka ka ahaa isagoo Somaliland ku khasbay inay ogolaato in la soo daayo, maamulkii uu dhisay, siduu Ina Cambaashe iyo Jamhaddii taageeraysay ugu quusgooyey. WAA GARAADKA KAALINTA KOWAAD HAYSTA WAANA LA ABAALMARIN DOONA MAALINTA HALGANKU GUULEYSTO.

Jamaahiirta SSC halgankiinii meel fiican buu marayaa, iska daba raacin baa u dhiman, Maleeshiyadda SNM ee Goojacade joogtaa wanaag ku tegi meyso, muddo shareecaddii oo 3 casho ahayd way dhamaatay, waa idiinku waajib inaad iska kicisaan daalimiinta qoriga madaxa idiinkaga haysa si maataddii magaaladda ugu soo noqoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here