ISIMADDA KHAATUMO OO SHACABKA UGU BAAQAY INAY HALGANKA WADAAN

war deg deg

War hordhaca oo shebekadda xaysimo.com heshay ayaa sheegaya in Isimadda Sool, Sanaag iyo Cayn ay isku raaceen in loo midoobo halganka Somaliland lagaga xoreynayo degaamadda ay xooga ku haysato, kacdoonkana la sii xoogeeyo.

Isimadda ayaa shacabka Laascaanood baaqay inaan la joojin kacdoonka, islamarkaana ay degaamadda kale bilaabaan, naf iyo maalba lagu taageero halgameyaasha.

Qoraalka Isimadda ayaa dhaqso saxaafada iyo Beesha loogu qaybin doona.

Magaaladda Laascaanood waxaa ka socda kacdoon looga soo horjeedo Somaliland, kaaso caawa ku jira habeenkii afraad, waxaa badhtamaha magaaladda laga taagay Calamada Soomaaliya iyo Khaatumo, sidoo kale waxaa socda diyaargarow lagu sii xoogeynayo kacdoonka.

DAAWO CALANSAARKII CAAWA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here