ISIMADDA SSC WAXAY DHABARJEBINAYAAN HALGANKII IYO TACABKII SHACABKA

aayo katalinta ssc

Labaddii bilood ee ugu dambeeyey waxaa soo ifbaxaysay in Isimadda SSC ay la soo noqonyeen dhaqan xumaddii iyo masuuliyad darradii caadada u ahaan jirtay, waxaa ka muuqata inay u xiiseen ina-gumeednimaddii iyo hoos fadhigii maamuladda reeraha oo ay shilimadda ka qaadan jireen, kama muuqdo dareen iyo habdhaqan inay colaad adag ku jiraan oo maalintii tagtaaba qiime weyn ugu fadhido, dan kama laha 300 000 qof ee magaaladda ka qaxay ee iyaga sugaya, qiimeyn maayaan culeyska dhaqaale iyo dhiig baxa maalin walba socda iyo sida loogu baahan yahay in xoreynta loogu deg dego maadaama lala dagaalamayo maamul horey u jiray oo nidaamkiisa dhaqaale iyo ciidan leh, wax xilla iskama saarin abaabulka ciidamadda iyo raadinta taliye aqoon, karti iyo garasho dagaal gelineed leh, maalintii hore waxaa laydiinku khalday Hogaamin Ciidan xumo, welina wax lagama qaban.

Waxaan Jamaahiirta iyo shacabka SSC u xaqiijinayaa in Isimaddu galeen xabadjoojin qarsoodi ah oo Ismaaciil Cumar Geelle soo habeeyey ayna la galeen Odayaashii Koonfureed, iyo Dawladda Federaalka, taasoo Muuse Biixi muddo iyo cimri dherersi loogu sameynayo, si uu u helo waqti uu Ciidamadda iyo shacabka SSC ku furfuro, sidoo kalena uu ciidamadiisa ku abaabusho, waxay bilaabeen inay lugta jiidayaan in dagaalka la qaado, iyagoo waqtiga dheeraynaya si dhaqaalaha iyo saanadu u dayacmaan, Ciidamadda Hiil-walaalna u caajisayaan oo dib ugu noqdaan, waxay bilaabeen tamashle aan looga fadhiyin oo maalin walba qaarkood Garoowe ku tegayso si waqtiga loo dheereeyo, hadhowna ay marmarsiinyo ka dhigtaan qurbejoogtii baa lacagtii bixin weyday ee ina kala kaxeeya.

Waxaa muhiim ah in dhamaan shacabka SSC Khaatumo ay ogaadaan in ISIMADDU Halgankii iyo midnimaddii dhabarjebinayaan oo ay idinku wadaan dariiqii gunimadda, tafaraaruqa iyo gumaysiga beel idinla mida oo la kala hororsado, waadna ku khaldanteen in Isimaddii aad dhaqankooda taqaaneen mar kale masiirkiina iyo halgankiinii aad dhiigga iyo nafaha u hurteen oo aanay raalli ka ahayn ee meel ay ku haraan waayeen u dabafariisataan. JAMAAHIIREEY KA KACA OO ISDABO QABTA, MUUSE BIIXI IYO MALEESHIYADDIISA XABAD WAXAAN AHAYNI KAXAYN MAAYAAN, XABADJOOJINTA IYO WAQTI DHEERAYNTU WAA JABKIINA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here