ISIMADDA IYO GUDIGA 33 SSC MASUULIYADOODII WAA KA BAAQSADEEN

isimo gudi aayo katalin

Waxaan u hambalyeynaynaa dhamaan ciidamadda xaq-u-dirirka SSC oo difaacyada adag kala hortegay maleeshiyadda Muuse Biixi, waxay guteen waajibaadkoodii, waana ku mahadsan yihiin, sidoo kale waxaa amaan mudan shacabka SSC oo naf iyo maal isla garabtaagay halganka.

Waxaa nasiib darro ah in Isimadda iyo Gudiga 33 ee SSC ay masuuliyadooda maamul aad u liitadato oo dayacaad badan oo aan loo dulqaadan karini ka muuqato, Gudigu 33 malaha aqoon Ciidan iyo mid maamul oo ay dagaalka iyo halganka xoreynta ku hogaamin karaan, waxay u badan yihiin firqo diimeed lacagta iyo xukunka jecel, wastaado iyo macalimiintii malcaamadaha iyo masaajida oo aan garan karin baahida Ciidamada iyo dagaalka. Isimaddu ka sii liitaan, labaddii bilood ee ugu dambeeyey waxay ku mashquulsanaayeen tamashle, waxaa ku filaaday dadkii ay la xiriirayeen, waxay u dhaqmeen sidii dagaalkii dhamaaday, waxay haleeyeen u diyaargarowga dagaal muddo dheer socda, labadooda qoloba ma yaqaanin qiimaha waqtiga iyo sida cadowgu uga faaiideysan karo.

Waxaan shacabka SSC Khaatumo iyo Jamaahiirta ogeysiinayaa in taladda iyo maamulka Isimadda iyo Gudigga 33 ay yihiin caqabadda halganka hortaagan, ficiladooduna u adeegayaan Muuse Biixi iyo Kooxo kale, haddii aan laga tashana halganku guuldarro ku dambeyn doono, sidaasdarteed waxaa loo baahan yahay in dhaqaalaha iyo talladda dagaalka si deg deg ah loogu wareejiyo Saraakiisha Ciidamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here