KACDOONKII LAASCAANOOD OO MAALINTII 5AAD GALEY IYO DIYAARGAROW SOCDA

kacdoonka sool

Magaaladda Laascaanood ayaa xalay waaga ugu berisay kacdoonka halganka ay kaga soo horjeedaan maamulka Somaliland ee xoogga ku haysta Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Iyadoo ay maanta jimce tahay oo aan weli dadkii isu soo wadatoosin, ayaa hadana waxaa socda diyaargarowga maalintii shanaad ee kacdoon.

Calamadii Soomaaliya iyo Khaatumo ayaa guud ahaan Magaalada wada suran, ciidamada Somaliland ayaa xalay xeryahooda dib ugu laabtay kadib markay xaafadaha qaarkood rasaas iyo iska caabin xooggan kala kulmeen.

Dhamaan horgaldii Muuse Biixi ayaa si fara ku gabad ah degaanka ku joogga.

Cidkasta oo Muuse Biixi iyo Horgaladiisa la hadasha ayaa caadaqaate loo aqoonsaday, waxaana ka hortimid cadhada shacabka, Xildhibaanada Federaalka ee SSC ayaa ku baaqay in Halganka la sii wado, sidoo kale Isimadda iyo Waxgaradka ayaa taageeray kacdoonka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here