KACDOONKII SHACABKA LAASCAANOOD OO MAALINTIISII LABAAD GALEY

banaanbax laascaanood

Kacdoonka shacabka xaq u dirirka ah ee Gobolka Sool ayaa saaka maalintiisii labaad galay.

Aroortii hore ayaa shacabku isugu soo baxeen Mudaharaad ay ku diidan yihiin Maamulka Somaliland ee degaamadaas xoogga ku haysta.

Maleeshiyadda iyo Horgaladda Somaliland ee ka amar qaata Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin ayaa rasaas aan loo miidaan deyin ku furay shacabkii Banaanbaxayey, weli wax war ah kama soo bixin khasaaraha ka dhashay.

Waxaa magaalada dhexmaraya gaadiidka dagaalka iyo baabuur waaweyn oo lagu guranayo dadka ay suuqa ku arkaan, kuwaas oo ay sida MAGEFEYAASHA ka qaadan doonaan lacago madax furasho ah, lacagtaas oo ay qaybsadaan Badhasaabka Gobolka iyo Saraakiisha Maleeshiyaadka.

Warkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan inay suuqyada hilibka, caanaha iyo khudaarta ay ka urursadeen haweenkii halkaas ku ganacsanayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here