KHASAARE KA DHASHAY QARAX MUQDISHO KA DHACAY

qarax muqdisho 2272019

Maanta abbaare duhurnimo, ayaa KM4 waddada aadda Tarabunka ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Xarunta CID-da ee ka soo horjeedka Hotel Giyajo, waxaa qarax ka dhashay gaari nuuciisu yahay Jamed oo xamuulka qaada, kaas oo ka mid ahaa kolonyo ciidanka ATMIS qeybtooda Burundi.

Qaraxa waxaa sababay dab gaariga qabsaday, isla markaana, dhaawacyo u badan gubasho gaarsiiyay ilaa saddex qofood oo shacab ahaa oo goobta ka ag dhawaa.

Waxaa dadkii gurmad u fidiyay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Hadda, waxaa socota baaris la xariira sababta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here