KOOX SHEEGATAY MIDOWGA MUSHARAXIINTA OO BAYDHABO RABSHADO KA DHIGAY

Baydhabo

Iska hor-imaad u dhexeeya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taageersan Midowga musharaxiin Koonfur Galbeed ayaa ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Iska hor-imaadka Baydhabo waxaa ka dhashay khasaaro isku jira dhimasho iyo dhaawac, hase ahaatee weli lama hayo tiro rasmi ah, waxaana yar wararka madaxa-banaan ee laga heli karo halkaas.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Koonfur Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti oo ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen in uu amar ku bixiyay weerar uu sheegay in saaka lagu soo qaaday gurigiisa magaalada Baydhabo oo weli socda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay dagaalkaas qayb ka ahaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira milateri, boolis iyo nabadsugid.

Dhanka kale Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xun tahay shaqaaqada gacan ka hadalka ee ka dhacday magaalada Baydhabo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay ku boorineyso dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta muddo kordhinta hal sano ah ee madaxweyne Laftagareen, taas oo diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee la magac-baxay (Midowga Musharaxiinta) ayaa dhawaan sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed muda-xileedkiisu dhammaaday, uusana haysan wax sharciyad ah wixii ka danbeeya 19 December 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here