LAASCAANOOD: MUDAHARAADYO, DILAL IYO CABUDHIN KA SOCOTA GUDAHA MAGAALADA

mudaharaad Laascanood 2022 1

Mudaharaadyo looga soo horjeedo dilalka qorsheysan oo lagu tuhunsan yahay in maamulka iyo Ciidamada Somaliland ay Gobolka Sool ka fuliyaan ayaa Magaalada Laascanood ka socda.

Ciidamadda Somaliland ayaa rasaas xoogan, dilal iyo cabudhin ku bilaabay dadka shacabka ah ee diidan Maamulka Somaliland.

Wararka hordhaca ah ayaa soo sheegaya in ciidamada Somaliland ay dilal iyo dhaawacyo u geysteen dadka shacabka ah.

Kacdoonka ayaa ka bilowday ka dib markii xalay dil qorsheysan magaalada loogu geystay marxuum HADRAAWI SANGUB, kaas oo ugu dambeeyey dilal qorsheysan oo boqolaal gaaraya oo intii Somaliland haystay degaamaddaas laga fuliyey, dilalkaas oo shacabku dareensan yahay in Ciidamadu fuliyaan si ay shacabka isugu diraan oo reero kale dusha uga tuuraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here