MAAMULKA JAMHADDA SNM OO LACAGTII UGU BADNAYD LAASCAANOOD U DIRTAY

madaxweyne muuse biixi5

Maamulka Jamhadda SNM ee uu hogaamiyo GACAN-KU-DHIIGLE Muuse Biixi Cabdi ayaa labaddii maalmood ee ugu dambeeyey Magaaladda Laascaanood u dirtay lacagtii ugu faraha badnayd ee ay abid degaamadaas u diraan.

Dhaqaalahan ayaa loo qoondeeyey liis uu gudbiyey Gudoomiyaha baarlamaanka Jamhadda SNM Cabdirisaaq Khaliif, kuwaas oo ka kooban Garaado, cuqaal iyo Gudiga Aayo ka talinta.

Shax lagu qorsheeyey guriga Jamhadda looga taliyo ayaa isimada, cuqaasha, iyo Gudiga loo kala saaray 3 qaybood, kuwo lagu tilmaamay xagjir fogaaday oo aan laga rejo qabin, koox ay ugu yeereen dhexdhexaad u baahan in shaqo dheeraada la geliyo iyo koox lagu sifeeyey goljilic la socda balse ka gabanaya Jamaahiirta Kacdoonka SSC.

Lacagta oo la qorsheeyey in qofkii loogu tallogalay ay qarsoodi u gaarto.

Maamulka Jamhadda SNM ayaa ku rajo weyn in shirka Isimadda ay ka soo baxdo baaq nuxurkiisu yahay in Somaliland iyo Reer Khaatumo wadahadlaan.

Jamaahiirta Kacdoonka Buluugga ee SSC waxaa looga baahan yahay inay difaacdaan Masiirkooda oo qarka u saaran in la caagleysto.

GUUL IYO GOBANIMO JAMAAHIIRTA SSC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here