MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO WAR KA SOO SAARAY DAGAALKA DULEEDKA LAASCAANOOD KA SOCDA

calanka khaatumo

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa War Saxaafadeed ka soo saaray Dagaalay maanta Maleeshiyadda Maamulka Hargeysa ku soo qaaday magaaladda laascaanood kaas oo u qornaa sidan.

Malayshiyada maamulka Hargeysa ayaa weerar ka soo qaaday laba aag oo kala ah dhinaca Bari iyo dhinaca Galbeedka ee duleedka magaalada Laascaanood, xoogaga xaq u dirirka ee deegaanku waxay hadda dagaal kula jiraan malayshiyada weerarka soo qaaday.

Ciidamada xaq u dirirku waxay markasta heegan u yihiin sidii ay weerarada malayshiyada maamulka Hargeysa uga difaaci lahaayeen deegaankooda, wayna wadayaan is difaacida ilaa ay deegaanka SSC-Khaatumo ka baxayaan.

Beesha Caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed waxaanu u sheegaynaa in maamulka Hargeysa weerarka markasta soo qaado, ayna deegaanka khatar ku yihiin iyo xasiloonida mandaqada iyo tan geeska Afrika.

Xafiiska Maamulka SSC-Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here