Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere iyo Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa Madaxtooyada Qaranka si toos ah ugala socday dhagaysiga xukunka kama danbaysta ah ee Maxkamadda ICJ ay ka soo saartay Kiiska dacwadda Baddeena.