MADAXDA SHIINAHA IYO JAPAN OO KALA BOOQDAY RUUSHKA IYO UKRAINE

Putin iyo Xi Jinping

Haddii aad rabto inaad fahamto sida dagaalka ka socda Ruushka iyo Ukraine ay ugu dhex milmayso qaaradda Aasiya, waxaad milicsan kartaa wakhtiga booqashada hoggaamiyeyaasha Japan iyo Shiinaha.

Labada hogaamiye ayaa dalalkooda kaga maqan safar dibadeed, waxayna ku sugan yihiin laba dal oo dagaal ka dhaxeeyo.

Ra’iisul wasaaraha Japan Fumio Kishida ayaa gaaray caasimadda Ukraine ee Kiev halka madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu ku sugan yahay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Intii lagu guda jiray kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, Kishida wuxuu u xaqiijiyay taageero aan loo meel dayin, wuxuuna u muujiyay in Japan ay ku caawin doonto Ukraine dib u dhiska iyo gargaarka bini’aadantinimo.

Isla markaana, madaxweynaha Ruushka Putin waxa uu Xi Jinping ugu yeeray saaxiibkii ay aad isugu dhowyihiin. Inkasta oo Shiinuhu uu ku andacoonayo in uu dhexdhexaad yahay, laakiin haddana wuxuu hadalkaasi u muuqdaa mid aan aheyn sida loo sheegayo.

Xi Jinping ayaa Talaadadii sheegay in Shiinaha uu mudnaan siin doono xiriirka uu la leeyahay Ruushka. Waxa uu sidoo kale ugu yeeray labada dal ‘ quwadaha deriska ah’.

Marka la eego tallaabooyinka Moscow, waxaa la dhihi karaa safarka xilligaan ee Kishida ee isbarbardhigga waa u muhiim isaga. Haddaba maxaa laga fahmi karaa arrintan?

Waa dhif iyo naadir in Ra’iisul Wasaaraha Japan uu safar dibadda ah oo aan horay loo sii shaacin ku baxo, waana markii ugu horreysay tan iyo dagaalkii labaad ee Adduunka oo hoggaamiyeyaal badan oo Japan ah ay gaaraan waddan ay dagaallo ka socdaan.

Booqashadiisa ayaa ahayd mid qarsoodi ah ilaa Kishida uu gaaray Ukraine Talaadadii. Saraakiisha ayaa sheegay in arrintan loo sameeyay arrimo amni.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee japan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ra’iisul wasaare Kishida uu muujin doono ixtiraamka uu u hayo dulqaadka iyo geesinimada shacabka Ukraine, wuxuuna u muujin doonaa taageerada aan loo meel dayin ee u taagan kuwa u istaagay sugidda ammaanka dalkooda.

Waxaa lagu sheegay bayaanka in Kishida uu sidoo kale cadeyn doono in Japan ay dhaleeceyneyso duulaanka Ruushka ee Ukraine.

Ra’iisul wasaare Kishida ayaa cadaadis badan kala kulmayay xisbigiisa talada haya ee Labour Democratic Party si uu ugu safro dalka Ukraine oo ay dagaalladu aafeeyeen.

Kahor inta uusan gaarin Ukraine, wuxuu ahaa hogaamiyaha kaliya ee wadamada G-7 ee aan booqan Ukraine. Waxa kale oo cadaadis lagu saaray inuu tago Ukraine ka hor shirka G-7 ee ka dhacaya Hiroshima bisha May.

Waxa uu horey u gaaray guul weyn oo diblumaasiyadeed isagoo la kulmay Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed magaalada Tokyo todobaadkii hore. Waa markii ugu horeysay muddo toban sano ka badan oo madaxda Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ay yeeshaan kulamo laba geesood ah.

Caadiyan xiriirka Kuuriyada Koonfureed, wadaagista xogta sirta ah waxay muujin doontaa in Japan ay garab taagan tahay Mareykanka go’aankeeda ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.

Shaki kuma jiro in Mareykanku uu soo dhaweyn doono booqashadiisa Ukraine.

Dhanka kale, ujeedada socdaalka madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu ku tagay Ruushka ayaa ah sidii sare loogu qaadi lahaa saameynta Shiinaha ee heer caalami.

Joogitaanka hogaamiyaha Japan ee Ukraine waxay diraysaa calaamad xooggan oo ku saabsan halka ay labada waddan ka taagan yihiin xilligan jaahwareerka jira

Tani ma aha arrin sahlan, Japan waxay leedahay wax badan oo ay isku dheellitirto, gaar ahaan xiriirka ay la leedahay Shiinaha.Bishii la soo dhaafay oo kaliya, labada dal ayaa wada-hadallo amni ku yeeshay Tokyo.

Waa markii ugu horreysay oo ay labada dal wada hadlaan muddo afar sano ah. Shiinaha ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay xoojinta ciidamada Japan, halka Japan ay ka cabatay xiriirka Shiinaha iyo Ruushka iyo adeegsiga buufinnada basaaska ee looga shakisan yahay.

Shiinaha iyo Japan ayaa ah dalalka labaad iyo saddexaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka, inkastoo ay jiraan xiisado u dhexeeya labada waddan, haddana dariiqooyinka wada-hadallada ayaa ah kuwo furan.

Japan waxaa haysta walaac u gaar ah oo ku saabsan dagaalka Ukraine. Is barbar dhig ayaa laga sameynayaa duulaanka Ruushka iyo duulaanka Taiwan ee Shiinaha oo cakiran, Japan ayaana ka walaacsan arrintan sababtoo ah waxaa muuqda saameynta ay yeellan karto .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here