MADAXWEYIHII LAASCAANOOD LAGA SUGAYEY NIN IYO GAADHI BUU SOO QABTAY FARTIINII BAAD EEDEEN

Madaxweyne muuse biixi aftaag

Shacabka Somalilandnoow (ISAAQ), hadaad garasho iyo faham isticmaali lahaydeen waad Ooyi lahaydeen maqaamka maanta Muuse Biixi idin gaarsiiyey:

Fadeexaddii ugu weynayd waxay dhacday SHALAY, kadib markii ciidankii 32 sano la dhisayey ee 60 maalmood la lahaa Muuse Ciidanka fasax Laascaanood dadka ku nool ha xasuuqee, ee 26 bishii tagtay lagu dhowaaqay in la fasaxay, ay shalay weerarkii ugu cuslaa Laascaanood ku qaadeen, qoraxdu waxay dhacday iyadoo Aag walba lagu jebiyey oo fadhiisimaddii ay ka soo duuleed lagu celiyey, oo khasaare nooc walba ah la gaarsiiyey, Jamaahiirtuna goobahoodii iyo degaamadoodii ay si geesinimo leh u difaacdeen.

Waxaa wax lagu qoslo ah in Madaxweynihii qabashadda Laascaanood iyo soo afjarida colaada laga sugayey uu soo bandhigo oo xalay Hargeysa looga dabaaldegay nin iyo gaadhi wado khaldan qaaday oo iyagoo habow ah Ciidamadda Somaliland u galay.

Muuse Biixi, Lafihii aad caalamka ku beer la xowsan jirteen lafo cusub oo qoyan oo dad ayuu ka dabokeenay.

Ictiraafkiinii wuxuu maraayaa DAAHIR CALASOW in laga tuugayo, caalamkiina uu idiinka soo xiro.

Diyaaradii iyo duqayntii aan duubnay ee Hargeysa iyo Burco wuxuu ku baabiiyey tan uu Laascaanood ka dhigay ee duuban.

Karaamaddiinii Ciidan, siyaasadeed iyo garasho waxay maraysaan fashil, heer aad nefis ka dhigataan gaadhi qori saaran yahay iyo nin baanu qabsanay, ku dabaal degtaan oo ciyaalka heego merfeshyada kaga sheekeeyaan in Guul la gaaray.

FARTIINII BAAD EEDEEN, SUBAX KASTA OO UU SII JOOGO WAAD EEDAYSAAN.

Shacabka Beesha Isaaqow waxaa idiin banaan hal jiho oo keliya, Ciidamadiina kala baxa Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, raaligelin ka bixiya khaladkii aad gasheen iyo beentii aad isugu sheekayseen ee ahayd inaad Soomaali kala goyn kartaan idinkoo aan Daraawiishta SSC Ogolaansho ka haysan, kadibna walaalo deris ah oo Soomaaliyeed SSC Khaatumo iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here