MADAXWEYNAHA DJIBOUTI OO SOOMAALIYA BOOQASHO KU TEGAY

xasan sheekh iyo ismaaciil cumar geelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Gelle ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha iyo qaar kamid ah madax goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale qayb ka ahaa soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyay wafdiga madaxweyne Geelle.

Intaas kadib madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo loo diyaariyay soo dhoweynetiisa.

Soo dhoweyn iyo salaan ka dib madaxweynaha ayaa waxaa loo galbiyey qasriga madaxtooyada, halkaas oo ay wadahadallo ku yeelan doonaan, isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale xarigga ka jari doono dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here