MADAXWEYNE KU XIGEENKII GAMBIA OO GEERIYOODAY

MKxigeen Gambia Badara Alieu Joof

Madaxweyne ku xigeenka Gambia, Badara Alieu Joof ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, sida uu shaaciyay madaxweyne Adama Barrow.

Badara Alieu Joof ayaa maalmo yar xanuunsanaa inkasta uusan madaxweyne Barrow xaqiijin in Hindiya uu xaalad caafimaad u joogay.

Madaxweyne ku xigeenka Gambia in muddo ah laguma arkin fagaraayaasha, sida uu kusoo warramayo weriyaha BBC ee ku sugan caasimadda Banjul.

Madaxweyne Barrow ayaa madaxweyne ku xigeen usoo xushay doorashadii uu ku guuleystay markii labaad bishii December 2021-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here