MADAXWEYNE PUTIN OO KU DHOWAAQAY 4 GOBOL OO RUUSHKA KU BIIRAYA

vladimir putin

Kremelin ayaa xaqiijisay Jimcaha in la qaban doono xaflad lagu shaacinayo gobollo ka tirsanaa Ukraine oo ku soo biiray Russia Federation waa sida ay hadalka u dhigeene.

Hadalka Kirimlin ka soo yeeray ayaa daba socday afti laga qaaday gobollada Luhansk, Dontesk, Kherson iyo Zaporishzhia oo uu Ruushka haysto.

Hase yeeshee Ukraine ayaa aftdiaasi ku tilmaanta iney aqbaleyn, shuruucda caalamigana ay baalmarsan tahay.

Afhayeenka Madaxweyne Viladmie Putin wuxuu sheegay xafladda ay gobollada ku soo biiray Ruushka ku saxiixayaan iney Ruushka la midoobeen uu Madaxweynaha Kgudabad uu ka jeedinayo.

Ka hor ku biiritaanka Ruushka ee gobolladaasi inta aan la dhammeystirin laba qal ee baarlamaanka Ruushka waa iney meel mariyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here