MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAHFURAY HIIGSIGA SOOMAALIYA EE 2060

xasan sheekh2

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka.

Hiigsiga 2060-ka ayaa saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaashe dhaqaalaha iyo dowladnimada dalkeenna.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, wakiillada beesha caalamka iyo ururrada bulshada Rayidka ah ayaa lagu soo bandhigay qorsheyaasha muddaysan ee horyaalla shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyada oo la xaqiijiyey awoodda aan u leenahay in aan wadajir u gaarno hiigsigaas.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda waxa uu sharraxay caqabadaha soo laa-laabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in uu muhiim yahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka.

“Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qaran ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna jiilasha soo socda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah;

1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxa uuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo.

2. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga.

3. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here