MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA JENERAAL FARXAAN

xasan sheekh2

MUQDISHO, Sebteembar 30, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalkii saaka ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay sida ciidamada geesiyaasha ah ee Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay xoreeyaan dalka oo ay nolol karaamo leh ugu noolaan lahaayeen dadkoodu ama in ay u shahiidaan iyagoo gudanaya waajibaadkaas qaran, waxa uuna sheegay in Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, Alle ha u naxariistee, uu go’aankaas lahaa, kuna shaqeeyey, maantana u shahiiday.

” Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la shahiidday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hureen sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud iyo askartii kaleba ee la shahiidday waxa uu Alle uga baryay naxariistiisa Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna sabur iyo iimaan in uu ka siiyo.

INNAA LILAAHI WAA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here