MADAXWEYNIHII HORE EE MAREYKANKA MALA JEEBAYN DOONAA?

trump2

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa qareennadiisa kula tashanaya gurigiisa ku yaalla maagalada New York.

Waxa uu ku hoyday gurigiisa Trump Tower ee Manhattan ka hor inta uusan kasoo muuqan maxkamada maanta oo Talaado ah.

Waxa uu wajahayaa eedeymo dambi ah oo la xiriira lacag la siiyay xiddig hore oo jili jirtay filimada galmada si aysan u fadeexeyn ka hor doorashadii sanadkii 2016-kii.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga iyadoo mas’uuliyiinta ay filayaan in dibadbaxyo ay ka dhacaan afaafka hore ee maxkamadda Manhattan.

Mr Trump oo 76 jir ah, ayaa ku celceliyay inuusan waxba dambi ah galin, isagoo ku tilmaamay eedeymaha loo haysto ‘faragelin siyaasadeed iyo mid doorasho’.

Subaxnimada Talaadada, tiro kamid ah booliiska iyo saraakiisha maxkamadda gaar ahaan ciidamada ilaalada madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Trump ay ku wehliyaan waddooyinka New York ilaa maxkamadda hoose ee Manhattan.

Waxaa si rasmi ah loo dhageysan doonaa dacwadda loo heysto abbaare 14:15 wakhtiga dalkaas, qareenadiisa waxay hore u sheegeen in uusan qiran doonin wax dambi ah.

Trump ayaa marka ugu horreysa isku dhiibi doona xafiiska xeer ilaaliyaha degmada Manhattan, Alvin Bragg, kadib waxaa lasoo taagaya maxkamadda.

Xeerbeegti ayaa u codeysay in dacwad lagu soo oogo Trump kadib markii ay baaritaan ku sameeyeen lacag dhan $130,000 doollar oo uu siiyay Stormy Daniels isku day uu ku doonayay in uu ku aamusiyo si aanay u fadeexeyn.

Maxaa dhici doona?

Xeer ilaaliyaha degmada New York, Alvin Bragg ayaa sameeyay xeerbeegti si ay u baaraan haddii ay jiraan cadeymo ku filan dacwadda, waxayna u codeeyeen toddobaadkii hore in la sii wado dawacdda.

Afhayeen u hadlay maxkamadda magaalada New York ayaa sheegay in dacwadda ka dhanka ah madaxweynihii hore ay dhici doonto Talaadada saacadda dalkaas marka ay tahay 2pm.

Dokumentiyada ay ku qoran yihiin eedeymaha rasmiga ah ee loo heysto Mr Trump ayaan la shaacin doonin ilaa uu garsooraha ka akhriyo.

Madaxweynihii hore ayaa Isniintii ka soo safray gurigiisa ku yaalla Florida oo ku yaala West Palm Beach, wuxuuna gaaray gurigiisa Tower Trump ee magaalada New York, halkaas oo uu ku hoyday.

FBI-da iyo kooxda sharci-fulinta magaalada New York iyo ciidamada ilaalada madaxweynaha ee Mareykanka ayaa isku dubaridayaa ammaanka halka ay dhageysiga dacwadda ka dhaceyso.

Trump mala jeebeyn doonaa?

Kooxda qareennada ee Mr Trump ayaa sheegay in aan la jeebeyn doonin, waxaana laga yaabaa in maxkamadda ay u oggolaato in loo fududeeyo in uu maro albaab gaar ah oo uu ka galo maxkamadda, halkii la hor mar siin lahaa weriyeyaasha dhooban maxkamadda horteeda.

Marka uu gudaha galo maxkamadda, waxaana Trump laga qaadi doonaa faraha iyo sawirkiisa sida dadka kale ee lagu soo eedeeyo dambiyada.

Marka lagu qaabilayo maxkamadda waxaa la socon doonaa ciidamada ilaalada madaxweynaha.

Mr Trump ayaa ku sugnaan qolka lagu hayo dadka tan iyo inta uu ka hortagayo garsooraha.

Goormaa ayaa la maxkamadeyn doonaa Trump?

Ma cadda xilliga ay dhici doonto maxkamadeyntiisa.

Mar haddii kiiskiisa ay maxkamadda la wareegto isla markaana la doorto garsoorihii wadi lahaa, markaas waxaa xigi doonaa in la helo faahfaahinta kiisa sida wakhtiga lagu wado in la maxkamadeeyo.

Trump ayaa lagu wadaa in damaanad lagu sii daayo kadibna wuxuu u duuli doonaa gurigiisa ku yaalla gobolka Florida.

Haddii fal-dambiyeedka uu noqdo mid fudud waxaa lagu soo rogi doonaa ganaax, Trupm haddii lagu helo dambi culus wuxuu wajahi karaa ugu badnaan afar sano oo xarig ah inkasta khuburrada qaarkood ay saadaalinayaan inay u badan tahay in ganaax uu muteysan doono iyo in adag tahay in la xiro.

Madaxweyne ma u tartami karaa?

Dacwaddan ayaa saameyn kartaa tartanka Trump uu ugu jiro doorashada madaxtinimo ee 2024-ta ka dhaceyso Mareykanka, Mr Trump ayaa hadda ah musharaxa ugu cadcad dhammaan musharaxiinta u tartameysa Aqalka Cad ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Mareykanka kama jiro sharci u diidaya musharraxa lagu helo dambi in uu sii wato ololahiisa doorashada-xitaa haddii xabsi la geeyo.

Hase yeeshee waxaa muuqata in dacwad jiitanta ay wax weyn u dhimi doonto waqtiga iyo xoogga uu gelin lahaa ololaha doorashada iyo ka qeybgalka isu soo baxyada.

Maxay tahay doodda haweeneyda?

Stormy Daniels ayaa sheegtay in ay Trump xiriir la lahayd sanadkii 2006, taasoo uu si weyn u beeniyay.

Sanadkii 2016, waxa ay billowday in ay warbaahinta u soo bandhigto waxa dhexmaray iyada iyo Trump.

Qareenkiisa Michael Cohen ayaa haweeneydaas siiyay 130 kun oo dollar si ay uga aamusto arrinkaas.

Lacagta noocaas ah ayaa sharci darro ka ah Maraykanka, waa tan lagu haysto Donald Trump.

Waxaa lagu haystaa inuu ka been sheegay diiwaankiisa ganacsiga oo uu lacagtaas ku sheegay mid lagu bixiyay shaqo uu qabtay qareen.

Maxkamadda ayaa lagu weydiin doonaa Trump su’aalaha la xiriira hannaanka bixinta lacagtaas.

Madaxweynaha hore ayaa beeniyay inuu wax dembi ah galay, waxaana uu dacwadda ku tilmaamay mid ay siyaasadi ka dambeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here