MAREYKANKA OO MARLABAAD SOMALILAND KU AMRAY INAY LAASCAANOOD CIIDAMADA KALA BAXDO

united state america

WARSAXAAFADEED KA SOO BAXAY WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA MAREYKANKA AYAA LOOGA HADLAY XASILOONI DARADDA IYO DIB-U-SOCODNIMADDA DIMOQRAADIYADA SOMALILAND.

Dawladda Maraykanku waxay aad uga walaacsantahay xaaladda colaadeed ee ka jirta magaalada Laascaanood, waxayna codkeeda ku biirinaynaa xubna beesha caalamka iyo waddamada deriska ah ee ku baaqaya in xaaladda la dejiyo, loona hoggaansamo xabad-joonita la isku raacay, la sahlo gargaarka bini-aadantinimo, islamarkaana dib loo bilaabo wadaxaajoodka ku aaddan in arrinka si nabad ah xal loo gaadho.

Colaadda oo sii socotaa waxay keeni kartaa in ay fursad u noqoto kooxaha xagjirka ah, sidoo kalana waxay aad u sii xumaynay kartaa qulqulatooyinka bini-aadantinimo.

1. Waxaan Somaliland ugu baaqaynaa in ay ciidankeeda la baxdo si ay u muujiso heerkeeda aqbalaad ee mabaadi’da sare ku xusan.

2. Waxaan ugu baaqaynaa Malayshida dhanka kale in aysan wax weerar ah ku qaadin ciidanka SL.

3. Waxaanu taageersanahay doorka Waayeelnimo ee Dawladda Federaalku ka qaadatay arrinkan, iyo hawlgelinteeda ergada odey-dhaqameedyada, sidoo kale waxaan soo dhawaynaynaa aqbalaada uu mjuuiyay Muse Bihi ee ah inuu Hargeysa kula kulmo ergadaas.

Waxaanu sidoo kale walaac ka muujinaynaa doorashada Madaxweynee ee SL ee oo an la baajiyay tan iyo Nov 2022, taasoo dhaaftay muddadii sharciga ahayd ee Dastuurku sheegay.

1. Waxaan ugu baaqaynaa SL in ay si degdeg ah u muddeeyaan una dhammaystiraan Doorashooyinkaas.

2. Dawladda Marakaykan waxay la go’an si waafaqsan sharciga socdaalka qaybta 212(a)(3)(C) in ay xayiraad safar ku soo rogi doonto saraakiisha Soomaliyeed iyo shakhsiyaadka kale ee la aaminsanyahay in ay masuul ka yihiin ama ku lug leeyihiin curyaaminta hanaanka Dimuqraadiyadeed ee Soomaliya, oo ay Soomalilaan-na ka mid tahay.

Riix Instability and Democratic Backsliding in Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here