MAREYKANKA OO SAFIIR CUSUB SOOMAALIYA U SOO MAGACAABAY

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa Richard H. Riley u soo magaacabay safiirka cusub ee Washington u fadhin doona magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay Aqalka Cad.

Safiirkan ayaa xilka si rasmi ah ula wareegi doonaa marka uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo aan la sheegin xilligga uu shaqadan si buuxda ugu wareegi doono.

Haddaba waa kuma?

Richard H. Riley, wuxuu haatan ka shaqeeyaa safaaradda Mareykanka ee Canada, halkaas oo uu ka yahay la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safiirka.

Horey wuxuu u soo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Peshawar ee waddanka Pakistan.

Wuxuu sidoo kale xilal sare ka soo qabtay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay dalal dhowr ah. Mar wuxuu safaaradda Mareykanka ee Norway ka ahaa ku simaha safiirka iyo ku xigeenka arrimaha howlgalka ee safaaradda Oslo.

Richard H. Riley waxa uu safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan kasoo qabtay xilka ku xigeenka howlgalka ee safaaradda.

Waa nin si weyn uga dhex muuqday arrimaha diblumaasiyadda Mareykanka,

Waxaa sidoo kale xilalkii uu soo qabtay:

Ku xigeenka guud ee arrimaha howlgalka safaraadda Mareykanka ee magaalada Sanca ee waddanka Yemen.

Wuxuu ka mid ahaa saraakiil hoggaamineysay koox gaar ah oo Mareyknaka u qaabilsaneyd dib u dhiska gobolka Nangahar ee dalka Afghanistan.

Wuxuu soo noqday Agaasime ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha Masar iyo dhulka Shaam.

Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad wuxuu mar kasoo noqday madaxa isku duwidda arrimaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka.

Richard H. Rile, safiirka cusub ee loo magacaabay Soomaaliya wuxuu sidoo kale kasoo shaqeeyay dalal dhowr oo ay kamid yihiin, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Jamaica.

Wuxuu shahaadada labaad ee jaamacadda uu ka heystaa jaamacadda Harvard gaar ahaan qeybta ganacsiga, sidoo kale shahaadada labaad wuxuu ka qaatay jaamacadda National Defense isagoo ku takhasusay culuumta istaraatiijiyadda amniga caalamka.

Richard H. Rile, wuxuu bartay luqadaha Pashto, Carabi, Ruushka, Faransiiska iyo luuqadda Mandarin ee looga hadlo dalka Shiinaha.

Safiirka haatan Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Larry E. André, Jr. wuxuu horey safiir uga soo noqday dalal uu ka mid yahay Jabuuti.

Safiirka Soomaaliya ee haatan wuxuu shaley sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland in uu awood u leeyahay in ciidamadiisa uu dib uga soo celiyo magaalada Laascaanood isla markaana uu shaacin karo qorshe ku saabsan doorashooyinka Somaliland, sida ku xusan qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Danjiraha shaqada ka tagaya, Larry Edward waxaa loo magacaabay safiirka Soomaaliya bishii April ee sanadkii 2021-kii. Horay wuxuu xilka kala wareegay Donald Yamamoto oo Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo bishii July ee sanadkii 2018-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here