MAREYKANKA OO SOOMAALIYA KU BOGAADIYEY HANAANKA KAYDINTA HUBKA

Larry Andre us amb

Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa bogaadiyay hanaan ay dawladda soomaaliya u maareysay kaydinta hubka.

Hadal uu ka jeediyay shir looga hadlay maareynta hubka iyo rasaasta ayuu safiir Larry André ku sheegay in horumarka ay dhinaca hubka ka sameysay dawladda Soomaaliya iyo guulaha ay gaartay ay keeneen wax ka badalka lagu sameeyay cunaqabateynta hubka Soomaaliya.

Larry ayaa yiri: “Maamulka madaxweyne Xassan Sheekh ayaa qaaday talaabooyin wax ku ool ah, si uu u xaqiijiyo hadaf lagama maarmaan ah.”

“Hadafka uu ka gun gaaray maamulka aya waxa uu dhaxalsiiyay dawladda Soomaaliya in ay hesho aqoonsi wayn, taas oo u gogol xaareysa in golaha ammaanka ee qaramada midoobay in uu cunaqabateynta ka qaado Soomaaliya.”

Dhanka kale, safiirku wuxuu sheegay in dawladda Maraykanka ay xaqiijin doonto sidii ay hub ugu heli leheed ciidamada Soomaaliya ee ku sugan furimaha dagaalka, si ay uga adkaadaan al-Shabaab. Balse wuxuu ka dhawaajiyay in ay ka taxadari doonaan in hubkaasi uusan gacanta u galin, gacan kale oo halis keeni karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here