MASAR: ISTICMAALAYAASHA BADDA CAS IYAGU HA ILAALIYAAN BADDA

badda cas

Masar waxa ay sheegtay in dalalka marinka u leh badda cas ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta iyo bixinta shuruudo ku habboon xorriyadda socdaalka.

Talaadadii, Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay 10-xubnood oo isbahaysi ah oo lagu magacaabo Operation Prosperity si ay uga ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga ee badda cas inay sii xoojiyaan ka hortagga weerarrada fallaagada Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen.

Balse Masar iyo Sacuudiga ayaan ku biirin isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka.

Maalintii Khamiista, Giriiggu wuxuu sheegay inuu halkaas u diri doono markab ciidan si uu u ilaaliyo maraakiibta.

Milkiilayaasha maraakiibta Giriiga ayaa maamula 20% maraakiibta ganacsi ee aduunka marka la eego awoodooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here