MASAR IYO ERITREA OO GO’AAN ADAG KA QAATAY DAMACA ITOOBIYA EE BADDA SOOMAALIYA

Isaias Afwerki iyo Cabdul Fattaax al Sisi

Madaxweynayaasha Eritrea Isaias Afwerki iyo Masar Cabdul-Fattaax al-Sisi ayaa ku kulmay magaalada Qaahira ee dalka Masar, kadib markii Afwerki uu Sabtigii u safray dalka Masar, arrimaha ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa shaaciyey in safarka Madaxweynaha dalkaas uu ku joogo Masar uu qaada doono muddo seddax maalmood ah, waxaana casuumay Madaxweynaha Masar Cabdul Fattaax al-Sisi.

Wasiirro ay ka mid yihiin Warfaafinta iyo Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Afwerki ee booqashada ku jooga dalka Masar, waxayna madaxda dalkaas kala hadli doonaan arrimaha labada dal, kuwa caalamka iyo gobolka intaba.

Madaxweynaha Masar ayaa bishii hore wasiirkiisa arrimaha dibadda Asseed Sameh Shukri u diray dalka Eritrea, xiligaas ayaa casuumaada Masar la gaarsiiyey  Madaxweyna Eritrea Afwerki, waxayna maalmahaan ka hadli doonaan dagaalka sokeeye ee Suudaan, xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Saxiixa heshiiska dekedaha ee Itoobiya iyo Somaliland ee bishii January, ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo guud ahaan gobolka, arrintaan si weyn ayey maanta u gorfeeyeen labada Madaxweyne ee Masar iyo Eritrea.

Warar laga baahiyey kulankii maanta ayaa xaqiijinaya in labada dal ay isku raaceen in si buuxda Soomaaliya loogu garab istaago ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirkeeda dhuleed, waxayna ku balameen in Soomaaliya dhinac kasta uu u fidiyo garabka ay uga baahato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here