MAXAA KA JIRA IN WHATSAPP DHEGEYSTO TELEFOONKAAGA?

Whatsapp

Mid ka mid ah injineerrada shirkadda Twitter ee ay xifaaltamaan shirkadda facebook ee whatsapp iska leh ee dhawaan loo baxshay Meta ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in Abka Whatsapp uu makarfoonka taleefankiisa isticmaalay dhowr jeer isaga oo hurda.

Foad Dabiri ayaa soo dhigay sawir uu kasoo qaaday xilliyada Whatsapp-ku isticmaalay makarafoonka oo taleefankiisu diiwaan geliyey, waxuuna kusoo qoray sidan: “whatsapp wuxuu isticmaalayey makarafoonka taleefankayga si qarsoodi ah aniga oo hurda tan iyo markaan soo kacay lixdii subaxnimo (kaliya waa qayb ka mid ah xilliyada!) Siday wax u jiraan?” ayuu yiri.

Madaxa Shirkadda Twitter – ninka laguy magacaabo Elon Musk oo ka fal celinayey qoraalka uu injineerkiisu soo bandhigay ayaa qoray; “Whatsapp lama aamini karo”.

Dhanka kale Whatsapp oo ka falcelnaysay qoraalka injineerka iyo hadalka Musk ee is daba socday ayaa sheegay in ay tani tahay cillad ka jirta talefoonada Android oo loo tiiranayo aaladdooda whatsapp waxayna sheegaan in ay shirkadda google ka codsadeen in baadhitaan lagu sameeyo arrinkan.

“24 saac ee ugu dambeeyay waxaan la xiriiraynay injineerka Twitter ee soo dhigay cillad ka jirta taleefankiisa Pixel iyo Whatsapp. Waxaan aaminsannahay in tani ay tahay cillad ka jirta Android oo si aan sax ahayn wax uga sheegaysa asturnaanata xogta, waxaanuna shirkadda Google ka codsannay in ay baadhitaan ku sameeyaan dhexdhexaadinna ka noqdaan Muranka.” Ayaa lagu yiri qoraalka Whatsapp soo dhigtay barteed ay Twitter-ka ku leedahay.

Si kastaba ha ahaatee Twitter iyo Meta – oo ah shirkadda iska leh Whatsapp iyo Facebook ayuu xilfaaltan adag ka dhexeeyaa maadaamada ay yihiin shirkadaha baraha bulshada ee ugu waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here