MAXAY UGA DHIGAN TAHAY IMAANSHAHA WARIYE ABDIRISAK TERRA MAGAALADA LAASCAANOOD

cabdirisaaq terra

Inta aanaan ka jawaaabin waxay uga dhigan tahay imaanshaha Wariye Abdirisak Terra, Magaalada laascaanood, Marka hore waa inaan isweydiinaa su’aalahan kabacdiina ka jawaabnaa.

Markaas baan helaynaa jawaabta saxda ah ee uga dhignaansha halganka Abdirisak Terra Magaalada Laascaanood :-

1) Abdirisak Terra, waa kuma?

2) Abdirisak Terra, halganka ma u faa”iidaa mise waa ku Dhib imaansha-hiisa Sool?

3) SSC, ma waxay la dagaalaysaa Hayb Qabiil mise Mabda?

4) Gobollada SSC, yaa imaan kara yaase imaan karin?

5) SSC, ma maamul baa mise waa hayb gaar ah?

6) SSC, ma hayb baa loo taageersan yahay mise mabda, Soomaalinimo?

Haddii aan ka jawaabo su’aala;-

1) Abdirisak terra waa kuma?

A) Abdirisak Terra: waa Wiil Soomaaliyeed oo yimid dhulkiisa Soomaaliyeed oo cid alaalle cid ka sheegan kartaana SSC, ma jirto, Terra waxa uu uga Xaquuq iyo Tacaba badan yahay kuwo badan oo sheegta SSC, Tusaale waxaa jira kuwo badan oo hagar-daamo ku ah halganka oo dhulhabante ah halka kuwo kale oo dhulhabante ahi ku yihiin cadowga koowaad ee SSC.

Terra waa ninkii kuwo badan oo hurda hurdaada ka toosiyay isaqoo cidna dirsan.

B) Wariye Abdirisak Terra: marka aan eegno siyaasad ahaan halka #Jamaahiirtu, kaga khaldameen ayna ku haystaan inay tahay Qabiilkiisa.

#Terra waa nin Ka gudbay xayndaabka heerka qofku wax ku qiimeeyo #Qabiilka,

Inkastoo ay adag tahay qofku inuu wax haybtiisa lid ku ah ka shaqeeyo dhaqan soomaali ahaan, hadana way fududahay inaad kasoo horjeesato marka haybtaada #Dulmi lagu sameynayo magaceeda adna aan wakiil lagaaga ahayn arinkana lid kuma aha jiritaanka haybtiisa, balse waa mabda Soomaaliyeed.

Waxaana ku cadeynayaa waa nin lasoo tijaabiyay oo maqal iyo muuqaal ahaan loo daawadey.

Balse waxaan ka xumahay oo nasiib darro weyn ah inaan weli aan leenahay #Labo_Indbood oo kaliya oo qabta haybta balse aanaan lahayn #Il sadexaad oo aan ku fahano waaqiciga anaku xeeran haddii aan nahay Dhalinyara Jamaahiirta ah ee halganka laf dhabarta u ah.

2) Abdirisak terra halganka ma u faa”iidaa mise waa ku dhib imaanshahiisa Sool…..?

Sharuud la’aan Waa u faa’iido weliba ku darsoo 90% dadka kasoo jeeda SSC, uga Faa’iido badan:-

A) Abdirisak terra imaanshahiisu waxa uu adduun weynaha iyo iyo dhammaan Haaya’adaha Calamiga ah tusayaa SSC, inay tahay dhul amaan ah oo la isku haleyn karo, isla markaana ay yimaadaan, Halka hadii boqolaal dhulhabante ah ay iskusoo sawiraan Sool aan loo arkayn goob amaan ah.

Isla markaana waa sawir muujinaya in ciidamada SSC ay amaan galinayan #Saxafadda calamiga ah, halka ciidamada somaliland aysan u imaan karin saxafadda calamiga ah oo aysana kalsooni ku qabin.

Arinkannina wuxu cadaynayaa oo Dunnida tusaysaa in Somaliland ay tahay cidda duulanka ah, halka dadka deegaanku aysan ahayn dad cid dhibaateynaya.

B) Abdirisak terra waa Saxafi weyn, weliba nooceeda loogu yeedho ( Investigative journalism), oo macno ahaan ah Warfaafiye heer Calamiya ah “Suxufi-noocaas ah waa Wariyaasha sida “Qoto-Dheer” wax u baadha, waqtina geliya warbixinnada ay soo bandhigaan, sidoo kale dad badan aqoon u leh oo wax yaabaha uu soo bandhigayo kala muraaqashooda iyo kuwo badan oo goob-joogayaal ka ah, ka wareysta kabacdii warbixinta uu soo diyaariyo 95% ay ku kalsoonaan karaan Dadku, Dowladaha, warbaahinta caalamka iyo Haaya’adaha Calamiga ah ee ay Khuseyso iyo daneeyayaasha calamiga ah.

C) Imaansha Abdirisak terra waxay kaloo ka dhigan tahay meesha waxa la isku hayo inaysan ahayn “Qabiil ee ay ku Saleysan Qadiyad Mabaadii aragtiyeed si guud”.

Taasina ay keento inaan Caalamka ka iibino aragtideena rabitaan ee SSS.

3) SSC, ma waxay la dagaalaysaa Hayb Qabiil mise Mabda?

Xaashaa waduud SSC, waxay la dagaalaysaa mabda iyo aragtiyo guracan oo kooxeed balse lama dagaalamayso #Hayb Qabiil ku saleysan taas oo cid-walba leh Tusaale, kuwo dhulhabante, Isaaq, Jabuuti leh iyo kuwo kaloo badan taas ku biyo-caba jamahiir.

4) Gobollada SSC, yaa imaan kara yaase imaan karin ………..?

Gobollada SSC, waxaa imaan kara qofkasta oo aaminsan midnimada, horumarka, cadaalada, sinaanta Ummaada Soomaaliyeed, waxaa imaan karin qofka intaa kasoo hor jeeda. Terrana danno badan oo shaqsi baa uga lumay oo aad markhaati ka nahay.

5) SSC, ma maamul baa mise waa hayb gaar ah……..?.

SSC, waa gobollo Soomaaliyeed oo qollo walba degto waana maamul Soomaaliyeed, qof kasta oo Soomaaliyeedna imaan karo

bilaa shuruud, waana Halkii laga dhaliyay Xornimada iyo Gobonimo Ummadda Soomaaliyeed waxay ahayd inuu yimaado qofkasta oo Soomaali mar maqla iskadaa inuu Soomaali sheegte.

Xitaa qofka Soomaalinimadu imaankiisa daciif ka tahay waxay ahayd meeshii intii lasoo qabto loo dhigo casharo badan oo Soomaalinimada iimaankiisa lagu quweynayo waa dhulkii xaqa u lahaa.

6) SSC, ma Hayb baa loo taageersan yahay mise Mabda Soomaalinimo…..?

Sida aan qabo ma jiro qof #SSC, hayb ahaan u taageersan #Somaliland Hayb ku neceb balse waxaan qabaa qofkasta waxa uu u taageersan yahay Mabaadiida ay xanbaarsan tahay ee qofwalba oo soomaaliyeed iska dhex arkayo sida muraayada ee Soomaalinimo.

Isla markaana waxaa annigu waxaa aaminsanahay inaan sida “Jooharada u ilaalino Mabdaas nala ku wato hadii aan nahay dadka degan Deegaanka SSC.

Waana annaku waajib cad oo hadii aan ilaalin weyno waxaan la mid noqoneynaa kuwaas taladoodu usoo urtay oo kale.

Waanna inaan muujinaa ka digtoonaan dheeraad ah oo qofka sumcad xumida kuwada ka qabano “MABDA”AAS” aan kor ku xusay Dhalinyaro.

DHAMMAAD Intaas markay ii cadaatay waxaan xaal iyo boollo-jiis buuxa, ka bixinaya hadallo aan dadnimada iyo Soomaalinimada mid koodna ku wanaagsaneyn oo aan ku arkayo baraha Bulshada, taas oo Jamaahiirtu kaga falcelinayaan imaansha Laascaanood Wariyaha weyn ee #Abdirisak_Terra. Waxaan leeyahay naga raali ahow Pressure ka yaga aad u sareeye.

Annoo ku Hadlaya Afka Jamaahiirta SSC, iyo aragtida maankayga gaaban.

“WAABILLAAHI-TOWFIIQ”

Q/: Darwiish Garaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here