MIDOWGA YURUB OO SI DHAB AH U QAADANAYA HANJABAAD M PUTIN

vladimir putin

Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibadda ayaa sheegay in Midowga Yurub inay indhaha ka qarsan doonin hanjabaadda halista ah ee ka imaaneysa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ah in dagaalka Ukraine u adeegsan doono hubka Nukliyeerka.

Josep Borrell wuxuu BBC u sheegay inay si dhab ah u qaadan doonaan hadalka kasoo baxay kadib markii uu ku hanjabay in uu adeegsan doono hubka Nukliyeerka.

Hadalka Putin ayaa imaanaya xilli Ruushka uu bilbaabay dhaqdhaqaaq uu qeyb ahaan ciidamadiisa uu heegan ku gelinayo si ay ugu tallaabaan dhinaca afarta gobol ka tirsan Ukraine ee uu Ruushka qabsaday.

Putin wuxuu dhawaan sheegay in heegaankan uu saameyn doono ‘muwaadiniinta kamidka ah ciidanka keydka ah’.

Putin wuxuu sheegay in reer galbeedka ay u handadayaan Ruushka balse Ruushka uu heysto hub badan oo isku difaaci karo.

“Waxaan adeegsan doonaa awood kasta oo lagu difaacayo shacabka”

Putin oo dadweynaha kala hadlayay teleefishinka qaranka ayaa sheegay in uu qaadi doono tallaabo kasta uu difaaco shacabka ku nool gobolka Donbas.

Wuxuu amar ku bixiyay in sare loo qaado dhaqaalaha si loo xoojiyo awoodda hagaajinta ee hubka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here