MILATERIGA SHIINAHA OO DOONAYA INUU HAREEREEYO TAIWAN

China Navy

Milaterga Shiinaha ayaa billaabay dhoolatus uu ku muujinayo inuu dhinac kasta ka hareereyn karo Taiwan, kaasoo socon doona saddex maalmood.

Xukuumadda Beijing oo u aragta Taiwan gobol ka goostay Shiinaha, ayaa ku tilmaantay dhoolatuska mid “digniin adag” u ah maamulka jasiiraddaas.

Dhoolatuska ayaa bilowday saacado kadib markii Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ay ka soo noqotay booqasho ay ku tagtay Maraykanka.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Taiwan ayaa sheegtay in 42 diyaaradaha dagaalka iyo 8 markab oo uu Shiinaha leeyahay ay ka gudbeen soohdinta jasiiraddaas.

Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dhoolatuska milateri ay “qeyb ka yihiin roondo ay ciidamada ku sameyn doonaan guud ahaan biyaha ku xeeran Taiwan, si loo qaabeeyo go’doomin buuxda”.

Waxa ay sheegtay in dhoolatuska ay qeyb ka yihiin madaafiicda goobta ee ridada dheer, maraakiibta wax burburisa, doomaha xambaara gantaalada, diyaaradaha dagaalka, kuwa jara isgaarsiinta iyo kuwa shidaalka siiya diyaaradaha kale.

Taiwan ayaa isu aragta dal madaxbannaan oo leh dastuur iyo hoggaan u gaar ah.

Hase yeeshee xukuumadda Beijing ayaa u aragta gobol gooni-u-goosad ah oo maalin uun lagu soo celin doono Shiinaha, xitaa haddii ay noqoto in loo isticmaalo awood milateri.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay in “dib u soo celinta” Taiwan ay tahay arrin muhiim ah oo ay “qasab tahay in laga dhabeeyo”.

Dhoolatuskan ayaa kuwii hore uga duwan in milateriga Shiinaha uu isu diyaarinayo “hareereyn” Taiwan, taasoo jawaab u ah kulan Arbacadii Maraykanka ku dhexmaray Madaxweyne Tsai iyo afhayeenka Golaha Wakiillada, Kevin McCarthy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here