MUUSE BIIXI OO AMRAY IN LABO MAALMOOD GUDAHOOD LAASCAANOOD WEERAR LAGU QAADO

war deg deg

Wadatashi ay yeesheen Muuse Biixi iyo Saraakiisha Ciidamadiisa ayaa loogu sheegay in ay hoos u dhac weyni ku yimid niyadda dagaal Ciidamadda Somaliland, taas oo ay ku tilmaameen in todobaad kadib ay adkaanayso inay dagaalka sii wadaan, maadaama labo bilood ee ay dagaalka ku jireen wax guul ah aanay gaarin, taasoo saameysay dhamaan qaybaha ciidamada sida Saraakiil iyo askartaba.

Wadahadal dheer kadib Muuse Biixi wuxuu amray in Berito ama Beri Dambe midkood weerar la qaaday, lagana shaqeeyo xilfad iyo khiyaano kasta oo guul lagu gaari karo si kalsoonida ciidamadu u soo noqoto.

Dhamaan Jamaahiirta SSC waxaa looga baahan yahay inay ka diyaargaroobaan weerarkan ku fool leh oo ay sameystaan dhufaysyo iyo difaacyo adag, iyadoo loo baahan yahay in aaaggaga qaarkood Cagafcagafyadda magaalada joogga dhufaysyo loogu jeexo, maalin kastaa waxay dhiigbax ku tahay Somaliland.

Dhanka kale waxaa weli magaaladda Oog ka socday Aaskii Askartii Somaliland ee dagaalkii shalay ku dhimatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here