MUUSE INUU SOOL KU JABAY YAMYAM IYO QADAADWEYN BAA LOOGA TAAG LAYAHAY

Madaxweyne muuse biixi aftaag

Sayid Maxamed Cabdulle Xasan markii taliskii jabayey ayaa qolyo aan markii hore la hadli kari jirin oo u soo baxbaxsanaya arkay, wuxuu yiri “IN LAYGA BAXAY WAXAAN KU GARTAY YAMYAM IYO QADAADWEYN BAA LAYGA TAAG LAYAHAY”, in Muuse Biixi Gobolka Sool ku jabay waxaa kuu cadeynaya sida maanta dadka aan la hadli kari jirin ugu baxbaxsanayaan, kuwii shalay BOORAME ka lahaa “Reer Soolow walaalayaal Dawlad lalama dagaalamee hubka dhiga oo isdhiiba 1994 baa Somaliland waxba laga qaadi kari waayey”, ayaa maanta laga qaqaban layahay oo leh sidii reer SSC baan yeelaynaa, tii Sayid Maxamed C Xasan baa haysata!!!

Muuse Waxaad jabtay maalintii aad kuwii xasuuqii Kalshaale ka dambeeyey ee cuqdada qabiilka iyo aargoosigu ka buuxay aad macalin ka dhigatay, waxaad Somaliland burburisay markaad madfacii ugu horeeyey Laascaanood ku riday oo aad Caruurtii Daraawiishta dagaalka kala hortagtay kuwaas oo taagnida iyo orodka kugu cunay, taasoo ku sabab siisay in dagaalkii iyo Siyaasaddii lagaaga adkaado, mustaqbalka adiga iyo caruurtaadana mugdi gelo, waxaad qabriga gashay oo iilka lagu dhigay markaad Goojacade isku adkaysay oo garan weyday carar oo naftaada la baxso oo degaamada intoodda kale isku hay, waa abaalkaaga in YAMYAM IYO QADAADWEYN ay mindi caloola quf ah kugu caydhsadaan.

Waxaa Muhiim ah in shacabka SSC ogaadaan in Madaxweyne Muuse Biixi ka wanaagsani aanu Somaliland soo marin, soona mari doonin, waa ninka waqooyi Galbeed iyo togdhaar ugu cuqdada iyo ciilqabka yar, dilka, shirkadaha Shiidaalka, ciidamada madaxjebiska iyo in Reer SSC qoys qoys laysku diro oo 10% miisaaniyadda lagu bixiyo xukuumaddii Siilaanyo ayaa abuurtay, Muuse baa sidii la rabay u sii wadiwaayey waana waxyaabaha maanta fududeeyey midnimadda SSC.

Reer Awdal waxay doonayaan in ninka Daraawiishtu dishay ay maydkiisa fadhaan, balse waxaa ku waajiba inay iska hubiyaan inuu Muuse Biixi hoosta ka nool yahay oo suuxsan yahay iyo in kale, Harag Libaax Haadi ma jiidee, weli fursad baa u furan oo wuu idinku soo noolaan karaaye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here