MUXUU BOQOR CHARLES CALEEMA-SAARKA UGA BAAHAN YAHAY?

boqor charles

Caleema saarka Boqor Charles-ka saddexaad ee maanta dhacaysa ayaa lagu soo bandhigay nooca xafladda quruxda badan ee Ingiriisku caanka ku yahay. Laakiin sidoo kale waa munaasabad diineed oo si qoto dheer ugu dhex milan yihiin caadooyin qarniyo soo jiray oo dadka qaar ula muuqan karta wax aan muhiim ahayn xilligan lagu jiro 2023-ka. Munaasabaddani muhiimaddii ay mar lahaan jirtay ma leedahay Boqorkuse ma u baahan yahay in loo dhigo?

Malaayiin dad ah oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee UK ayaa daawanayay munaasabaddan naadirka ah.

In kasta oo laga yaabo in aan u barannay raynraynta dad badan iyo xafladaha waddooyinka ee ay weheliyaan dabbaaldegyada boqortooyadu, hadana 70 sano ayaa laga joogaa tan iyo markii inoogu dambeysay caleema saarkan. Tani waa arrin gebi ahaanba ka duwan sida aad moodeyso waxaana ka buuxa waxyaabo xiiso leh: dhaarta qarniyadii dhexe, saliid barakaysan oo lagu shubayo malqacad 12 qarni jirta, iyo kursi 700-sano jir ah oo hoy u ah dhagax la aaminsan yahay inuu guuxay markii uu aqoonsaday boqortooyada saxda ah.

Khubarrada qaar ayaa u ekeysiiya isku shabbaha caleema saarkan iyo aroos – laakiin halkii lammaane la isu guurin lahaa, boqorka ayaa loo guurinayaa dawladda. 2,000 oo qof oo daawanayay Boqor Charles oo lagu caleemo saaray Westminster Abbey ayaa la weydiinayay inay u aqoonsan yihiin inuu yahay boqor iyo in kale. Kadibna waxaa la siiyay giraanta taajka waxaana la waydiiyay in uu dhaarto.

Haddii waxaas oo dhami kuula eg yihiin wax qarniya hore ahaa, waxaa sababta u ah xafladaha caleema saarka ee Boqortooyada Midowday (UK) ayaa wax yar uun iska badddelay 1,000-kii sano ee la soo dhaafay. Sharci ahaan, looma baahna xafladdan, maaddaama boqorku si toos ah u dhaxlo geeridii kuwii ka horreeyay. Laakiin waa tilmaan astaan ah oo si rasmi ah u qeexaysa ka go’naanshiyaha boqorka ee doorkiisa Boqornimo, ayuu yidhi Dr George Gross, oo hogaaminaya mashruuc cilmi-baaris ah oo ku saabsan Caleema saarka ee kulliyadda King College London.

Waxa uu aaminsan yahay in ballan qaadka Boqorku ka sameeyo fagaaraha uu yahay mid “xoojinaya sharciga iyo cadaaladda naxariista wadata” ayna tahay waqti gaar ah.

“Xilli dunida aan lagu kalsoonaan karin oo ay hoggaamiyeyaashu jebiyaan shuruucda caalamiga ah mar walba, Boqorkeenu waa inuu dhahaa ‘kuwaasi waa waxyaabaha aasaasiga ah ee muhiimka ah’, taasina aniga ima saameynayso.”

Charles
Qoraalka sawirka,Saliidda sanadkan loo adeegsaday caleema-saarka waxay ka sameysan tahay saliid saytuun ka baxday Qudus

Isku keenista wixii hore iyo midka cusub?

Waxa xiga ee dhici doona ayaa qeexaya malaha waxa uu caleema saarku ka dhigan yahay: Munaasabad diineed asal ahaan. Waxaa madaxa, gacmaha iyo laabta boqorka lagu sharxayaa iskutallaab iyadoo la isticmaalayo saliid barakaysan, oo lagu shubay qaaddo ka timid qarniyadii dhexe.

Habraaca boqridda ayaa ku dhawaad “boqorka u dallacsiinaysa baadari”, ayuu Dr Gross, waxay iftiiminaysaa kaalinta boqorka ee madaxnimda kaniisadda.

“Waa xaflad Anglican ah oo subkidu waxay lama huraan u tahay taas oo ah bixinta nimcada Ilaah ee boqortooyada,” ayuu yidhi Dr David Torrance, oo qoray warqad cilmi-baaris baarlamaani ah oo ku saabsan boqortooyada.

“Laakiin sidoo kale waa Kaniisadda Ingriiska oo xasuusinaysa qof walba inay ka mid yihiin kaniisadaha dhidibada looga taagay Boqortooyada Ingiriiska, boqorkuna uu yahay madaxa ugu sarreeya ee kiniisadda.”

Xilligan waxaa loo sameeyaa si gaar ah sababtoo ah waxaa loo arkaa inay tahay tani ay tahay mid xasaasi ah, iyo sababo la taaban karo madaama uu boqorku xiran yahay dhar yar xilligan la sameynayo habraacyadan, ayay tiri Dr Elena Woodacre, oo ah maamulaha Shabakadda Daraasaadka Boqortooyada. Waxay u badan tahay in kaamirooyinka la saaro sidii tan iyo markii boqoradda Elizabeth laga xayuubiyay shumacadeedii iyo dahabkeedii intii lagu jiray caleema saarkii 1953.

Halkii laga isticmaali lahaa saliiddii caleema-saarkii hore – sida boqorrada qaar yeeleen – mid cusub ayaa la sameeyay sanadkan. Markii hore waxa ku jiray wax soo saarka xoolaha sida subagga xawayaanka sivet iyo shaawada nibiriga, laakiin noocan hadda oo naxariis-la’aan ka bed qaba ayaa qayb ahaan laga sameeyay saytuunka.

Laakiin doorashada saliidda ayaa sidoo kale la socota “dareenka casriga ah”, ayuu yidhi Dr Woodacre, isaga oo intaa ku daray in ay “isku darayso dhaqanka iyo sii wadidda la qabsiga iyo isbeddelka” xilli ay qaar su’aal gelinayaan in boqortooyadu ay weli meeli u bannaan tahay.

“Caleema-saarku waa fursadda boqorka si uu isugu dhejiyo awoodda hore iyo qaabenyta mustaqbalkiisa. Dhammaan dhaqammadan qadiimiga ah sida kaniisadda Abbey iyo isticmaalka qaaddada ayaa gacan ka geysanaya xoojinta booskiisa.”

Charles

Ma deneynaa dhaqan?

Charles
Qoraalka sawirka,Qaaddo jirtay qarniyo oo ka mid ah caleema-saarka boqorka

Graham Smith, oo ka tirsan ururka Republic oo u ololeeya in madaxda dalalka la doorto, ayaa qu’aalo ka qaba in caadadu tahay wax loo baahan yahay marka ay dhan walba iska beddelayaan xafladaha caleema-saarka.

“Dadka intooda badan ma xusuustaan markii ugu dambeysay, marka ma aha caadadu in cid walba micno u sameyneyso,” ayuu yiri. “Sidoo kale ma laha qiime dastuuri ah, looma baahna, haddii aynaan sameynina, Charles weli wuu noqon doonaa Boqor.”

Xaqiiq, boqortooyo uma baahna caleema-saar si ay dadka u xukunto qaar badan ayaana la’aanteed sameeyay, sida Edward VIII. Boqortooyooyinka Yurub ayaa muddo dheer kahor iska daayay caleema-saar ra’yi-ururin la sameeyay ayaana sheegeysa in xiisaha loo qabo ay ka sii guureyso gudaha UK.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here