NIN DAD KU LAAYEY XARUN AY MUSLIMIINTU KU CIBAADEYSTAY OO LA XIRAY

Xarunta Ismaaciil

Labo qof ayaa toorrey lagu dilay xilli ay ku sugnaayeen xarun ay Muslimiintu ku cibaadeystaan oo ku taalla caasimadda dalka Bortaqiiska ee Lisbon, sida ay sheegeen booliiska.

Weerarka ayaa ka dhacay Xarunta Ismaaciil. Ninka looga shakisan yahay weerarkan, oo heystay toorrey weyn, ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo dalka Afghanistan.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ninkan ay booliiska toogteen oo dhaawaceen. Lama oga sababta ka dambeysa weerarkan.

Ismaaciiliya waa qeyb ka mid ah Muslimiinta Shiicada ah. Dadka taabacsan qaarkood ayaa Amiir Karim Aga Khan u heysta hoggaamiyahooda diimeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here