QAYBTII UGU HOREYSA CIIDAMADII ERITREA KU MAQNAA OO MUQDISHO GAARAY

ciidan eritrea

Duulimaadkii u horeeyey ee siday qayb ka mid ah ciidamadii Soomaaliya ee tabobarka ugu maqnaa dalka Eritrea mudada dhawrka sano ahayd ayaa saaka gaadhay magaalada Muqdisho.

Soo noqoshada ciidamadan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya maalmo ka hor shaaciyey isaga oo Maraykanka jooga waxaanu carrabka ku dhuftay in ay dabayaaqada bishan Diisember ilaa badhtamaha January ku soo wada noqon doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here