RASAAS XOOGGAN OO HADDA LAASCAANOOD KA DHACAYSA IYO KACDOONKII OO SOCDA

war deg deg

Hadda oo saacadu tahay 8:40 waxaa magaaladda Laascaanood ka socda Rasaas xoogan oo hubka daran-dooriga u dhaca ka dhacaysa.

Lama garanayo in Rasaastan ayaa loo isticmaalayaa in lagu cabudhiyo shacabka kacdoonka wadda ee diidan xasuuqa qorsheysan ee Ciidamadda Somaliland ku beegsanayaan haldoorka Gobolka, waxaana ugu dambeeyey dilkii Hadraawi Sangub oo loo tirinayo in ciidamada Somaliland madaxa u soo duubteen, si beeluhu u kala shakiyaan oo aanay ugu midoobay.

Xasuuqa iyo tacadiyada waxaa madax ka ah saraakiil ay isku hayb yihiin Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo calooshooda u shaqeysteyaal uu hogaamiyo gacan-ku-dhiigle lagu magacaabo Mahad Canbaashe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here