REER GALBEEDKA OO KA CAROODAY DIYAARADO RUUSHKU UU IIRAAN KA IIBINAYO

diyaarad su 35

Ruushka ayaa dalka Iiraan ka iibinaya diyaaradaha dagaalka casriga ah ee Su-35 uu Ruushka sameeyo.

Dowladda Iiraan waxay shaaca ka qaadday heshiiska ay diyaaradahaasi Moscow uga iibsaneyso in la soo gabagabeeyey, inkasta oo Ruushka uu weli arrintaa ka hadal.

“Heshiis ay Iran Ruushka uga iibsaneyso diyaaradaha dagaalka casriga ah uu Ruushka sameeyey ee Su-35 ayaa ugu dambeynti meel maray,” ayaa lagu yiri war lagu baahiyey wakaaladda raadiyaha iyo telefishiinka Iiraan ee IRIB.

Hase yeeshee, warka lagu baahiyey warbaahinta afka dowladda Iiraan ku hadasha oo ku saabsan diyaaradaha ay Tehran Moscow ka iibsaneyso tiradooda laguma sheegin.

Waxaa sida oo kale warbixinta lagu sheegay Iraan iney sida oo kale dooneyso diyaarado dagaal iney ka soo iibsato waddama kale.

Ciidamada cirka Iiraan ayaa ku hubeysan diyaarada dagaal oo tira yar oo duqoobay oo ay sameeyeen Ruushka iyo Mareykanka oo ay iibsatay 1979-kii xilligi uu dhacay kacaanka islamiga ee Iiraan.

2018-kii Tehran waxay sheegtay iney billaawday sameysashada diyaarad dagaal oo ay iyadu leedahay oo ay ugu magac dartay Kowsar.

Halka khubarada qaar ay sheegeen diyaaradda Kowsar oo ay Iiraan sheegtay iney sameysaneyso ay tahay naqshad laga soo minguuriyey diyaaradda dagaalka F-15 oo uu Mareykanka sameeyey 1960-yadii.

Iskaashiga militari iyo Farsamo ee dhexmaraya Ruushka iyo Iraan waxaa si weyn uga walaacsan waddamada reer galbeedka.

Dabayaaqadi sanadkIi hore, Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby wuxuu sheegay labada dal iney billaabeen iney isa siiyaan taageero ciidan oo aan horay loo arag.

Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin oo bishii July ee sanadkIi hore Tehran kula kulmay hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan Aayatullah Kamaenei oo ka hadlay sababta looga baahday iskaashiga labada dal iney sii xoojiyaan ay uga wacan tahay cadaadiska xooggan ee ugu imanaya reer galbeedka, oo sii xoogeystay wixii ka dambeeyey duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Bil kaddibna warbixin ka soo baxday sirdoonka Mareykanka waxaa lagu sheegay Tehran iney billaawday diyaaradaheeda aan duuliyaha laheen ee ‘Kamikaze’ iney Moscow siisay, Ruushka uu diyaaradahaasi uu u adeegsaday bartilmaameedyo ku yaalla dalka Ukraine.

Tehran oo markii hore hadalkaasi beenisay, haddana dowladda Ukraine waxay xaqiijisay deegaanno ka tirsan dhulka Ukraine iyo Kaabayaasha dhaqaalaha dalkaasi in lagu weeraray diyaaradaha aan duuliyaha laheen oo ay sameyso Iiraan ee Shahiid 31 iyo Shahiid 36.

Iiraan dhankeeda waxay qiratay iney qaar ka mid diyaaradahaasi ay Ruushka siisay, balse ay ahayd ka hor inta uusan billaabmin dagaalka Ukraine.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby wuxuu sheegay Ruushka iyo Iiraan iney billaabeen iney ka wada hadlaan sidi ay wadajir ugu soo saari lahaayeen diyaaradaha aan duuliyaha laheen ee drones-ka loo yaqaanno.

Bartamaihi bishii Fabraayo wargeyska Guardian wuxuu qoray Iiraan iney Ruushka gaarsiisay diyaarada aan duuliye lahayn oo ka casrisan Kamikazi oo awood u leh tuuritaanka gantaalaha riddada dheer oo qaarkood gaaraya ilaa iyo 200km.

Xog ka soo baxday sirdoonka Mareykanka waxaa lagu sheegay waaxaha difaaca ee Ruushka iyo Iran inay aad isugu soo dhawaanayaan.

Maalin ka horna, telefishiinka CNN, oo soo xiganaya ilo-wareedyo, ayaa qoray in Ruushka uu u diri karo Iiraan hubka reer galbeedka si ay u falanqeeyaan oo ay u soo saaraan.

Maxay tahay diyaaradda Su-35?

Sukhoi 35 waa diyaarado loo adeegsan karo ujeeddooyin badan oo kala duwan. Waxay awood u leeyihiin in ay xadgudub ku sameeyaan hawada cadowga, iyagoo taageero buuxda siin kara ciidamada dhulka islamarkaana maamuli kara hawada lagu dagaallamayo.

Waxaa kale oo ay xakameyn karaan dhaqdhaqaaqyada dhinaca hawada ee ciidamada cadowga.

Diyaaradahan ayaa sidoo kale isticmaala tiknoolojiyadda loo yaqaanno “jiilka shanaad” taasoo ay ku xaqiijin karaan in diyaaradaha kale ee howlahooda qabta ay uga gacan sarreeyaan dhaqdhaqaaqyada hawada. Waxaa kale oo ay awood buuxda u leeyihiin in ay bartilmaameedsadaan wax walba oo dhulka jooga.

Sukhoi 35 oo ku shaqeysa labo matoor waxay saacaddiiba jari kartaa 2,400 oo kiiloo mitir, waxaana ku xiran hubka casriga ah ee loo adeegsado duqeymaha iyo qalab lagula socon karo laguna cabiran karo bartilmaameedyo dhulka iyo hawada labada ah, shiishkooduna aad ayuu u wanaagsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here