RUUSHKA OO MALAAYIIN KU BIXIYEY SI UU SAAMEYN UGU YEESHO DALAL

vladimir putin

Mareykanka ayaa Ruushka ku eedeeyay in si qarsoodi ah uu in ka badan 300 malyan oo doolar uu bixiyay si uu saameyn ugu yeesho siyaasiyiin ku sugan in ka badan 24 dal oo ku yaalla dunida.

Mareykanka ayaa intaas ku daray in lacagtan uu bixinayay Ruushka tan iyo sanadkii 2014-kii.

Eedeymahan ay wasaaradda arrimaha dibadda u jeedisay Ruushka waxay salka ku hayaan qiimeyn si qarsoodi ah ay u sameeyeen sirddoonka Mareykanka taasoo la shaaciyay Talaadadii.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda madaxweyne Joe Biden ayaa yiri: “Waxaan u maleyneynaa in arrintan aan wax badan laga ogeyn”.

Dowladda Ruushka si cad ugama hadlin arrintani, xukuumadda Moscow waxay marar badan ku eedeysay Mareykanka in uu faragelin ku hayo dalalka dibadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here