RUUSHKA OO MAREYKANKA DIGNIIN CULUS U DIRAY

missile russia

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay haddii Mareykanka uu go’aansado inuu Ukraine ku caawiyo gantaalaha riddada dheer si ay dagaalka ugu adeegsato ay Moscow uga dhigan tahay khad cas oo la soo tallaabay jawaab culus ay ka bixineyso.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka Maria Zakharova waxay  Kahmisti sheegtay. ”Haddii uu Mareykanka gantaalaha riddada dheer uu siiyo Kyiv ay ka dhigan tahay Washington khadka cas iney soo tallaawday dagaalkana ay ka mid noqotay. Ruushkana uu ku qasbanaan doono inuu qaado tallabbo qaranimadiisa uu ku difaacanayo.”

Mareykanka ayaa Ukraine horay ugu caawiyey gantaala isugu jira kuwa riddada gaaban iyo kuwa riddada dhexe oo gaaraya 50 ilaa iyo 80 km, dagaalkana loo adeegsaday.

Hadalka ka soo yeeray Moscow ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka Ukraine uu waji cusub yeeshay oo deegaanno badan laga kiciyey ciidamada Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here