RUUSHKA OO SOO RIDAY DIYAARAD CIIDANKA MAREYKANKU LEEYAHAY

diyaarad su 35

Ruushka wuxuu soo ridday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leeyihiin ciidanka Marekanka. Tan oo markiiba Pentagon-ka iyo xubno u hadlay labada gole ee Baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee Marekanka ay ku tilmaameen faragelin amni-darro iyo ficil aan laga fiirsan!

“Diyaaradeenna MQ-9 Reaper waxay ku jirtey roondo joogta ah dhanka hawada caalamiga ah markii ay dhexda ka qabatay oo ay duqaysay diyaarad Ruushku leeyahay, taas oo keentay inay burburto.” hadalkan waxaa warbaahinta u sheegay taliyaha ciidanka cirka Marekanka , Jen. James Hecker.

Ruushka wuu iska diidday inay duqeyn iyo waxyeelo kale gaarsiiyeen diyaaradda burburtay, balse waxay Moscow oggaalatay in ay si xoogan u dhaqaaqday diyaaradda MQ-9 Reaper oo ku burburtay biyaha ka dib markii ay la kulmeen diyaarado dagaal oo Ruushku leeyahay meel u dhow Crimea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here