SAALAX SIR BUU FASHILIYEY ISIMADDA IYO GUDIGA SSC WAA INAY SI CAD UGA JAWAABAAN

saalax axmed jaamac

Hadalkii shalay ka soo yeeray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ku dhowaaqay Raiisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, wuxuu ahaa digniin uu ku fashiliyey hagardaamooyin qarsoonaa oo lagu dhabarjebin karayey halganka shacabka Gobolladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Hadalka Raiisul Wasaare kuxigeen wuxuu SSC Khaatumo u muujisay khatarta ku duugnaan karta Magacaabista Ergay Cabdikariim Guulleed, waxayna banaanka u soo saartay sida ay u kala duwanaan karaan waxa Ergayga loo magacaabay iyo sida Isimadda iyo shacabka SSC loogu sheegay, wuxuuna ka hadlay wixii Cabdikariim Guuleed u sheegay, RW Kuxigeen waa masuulkii labaad ee Xukuumadda, hadalkiisu maaha qof caadiya.

Mudane CABDI KARIIM XUSEEN GUULEED kulankiisii iyo waxqabadkiisii ugu horeeyey waxaa loo adeegsaday in lagu aflagaadeeyo Isimadda iyo Shacabka SSC, Sidaasdarteed, iyadoo laga duulayo maahmaahdii (KHAYR WAX KUMA YEELLEE SHAR U TOOG HAY), Si looga hortago in Magacaabista ergayga ay maamulka somaliland u adeegsadaan inay indhaha beesha Caalamka ku khaldaan, oo qalab siyaasadeed u isticmaalaan, waxaa Isimadda iyo Gudigga SSC la gudboon inay si deg deg ah uga Jawaabay oo mowqif cad iska taagaan hadalka Raiisul Wasaare Kuxigeenka, islamarkaana ay umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba mar kale si toos ah ugu cadeeyaan inaan Ergay Cabdikariim Guulleed aan Arimaha SSC khuseynin, wax kalsooni ah aanay ku qabin, islamarkaana aan Beesha Caalamku kala xiriiri karin, sidoo kale aanu ka hadli karin Arimaha khuseeya SSC iyo Colaadda ka taagan, maadaama ay durba muuqatay in magacaabista Cabdikariim loo adeegsanayo waxyeeladda SSC iyo marin habaabinta xaaladda.

Khalad bay ahayd in Isimaddu soo dhoweeyaan Magacaabistii Cabdikariim Xuseen Guulleed, waxayna khalkhalinaysay aragtidii Beesha Caalamka, halaga daba tago oo khaladkii si cad halloo saxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here